Hargeysa: Munaasibad Abaal-marin Lagu Guddoonsiiyay Macallimiin Iyo Dhallinyaro Qaran

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibad mar labaad lagu soo bandhigayay diiwaanka SAMO-TALIS ayaa xalay lagu qabtay Dugsiyada Maroodijeex oo ku yaalla caasimadda Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay dhallinyaro, macallin, haween iyo ardayda dugsiga. Waxaanay bilaw u ahayd toddobaad la doonayo in kor loogu qaado akhrista, aqoonta, is-dhexgalka bulshada iyo iskaashiga ummadda Somaliland da’ kasta oo ay yihiin.
DSC00463
DSC00464 DSC00465 DSC00466 DSC00467 DSC00473 DSC00474 DSC00475DSC00467 DSC00476 DSC00477 DSC00478 DSC00479 DSC00481 DSC00483 DSC00484DSC00458 DSC00460 DSC00475
 
Ugu horreyn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Akadamiga Cilmi-baadhista iyo Waxbarashada Siciid Maxamuud Gahayr oo ah qoraaga diiwaanka la daah-furayo waxaanu ka warramay duruufihii loo maray soo saarista diiwaankan oo uu muddo shan sanno ah ku hawlanna (2008-2013) waxaanu dhallinyarada kula dardaarmay in ay xoogga saaraan waxbarashada.
 
Maamulaha dugsiga Maroodijeex Mubaarig Yuusuf Cabdillaahi ayaa madasha ka sheegay sida ay dugsi ahaan u barbar taagan yihiin bahda qalinka iyo hal-abuurka, waxaanu xusay in ay diyaar u yihiin soo-dhaweynta qalin-maalka iyo abwaannada dalka.
 
Intii ay munaasibaddu socotay waxa shahaado-sharaf la guddoonsiiyay Macallin Muuse Maxamed Maxamuud oo ka mid ah hormoodka macallimiinta dhallinyarada ah ee Somaliland iyo Mujaahid Xamse Colaad Dubbe, Guddoomiyaha Guddiga Nabadgelyada ee Degmada Maxamuud Haybe, garabka dhallinyarada.
 
Marwo Nadiira Daahir Bootaan ayaa fagaaraha uga mahad-naqay iskuulka soo qabanqaabiyay hawsha iyo dhallinyarada ku hawlan in ay kaalin togan ka qaataan noloshooda. Guud ahaanna munaasibadda ayaa ku xidhan tahay jawi wanaagsan.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.