Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Jabhadaha ONLF iyo Al-Shabaab?

Soomaaliya(Aftahannews):- Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya iyo Jabhadda ONLF ee ka dagaallanta gudaha dalka Itoobiya oo sheegata inay tahay gobannimo-u-dir ay doonayso inay ku xorayso killalka shanaad ee Itoobiya oo loo yaqaanno Ogaadeeniya, ayaa dhawaan la sheegay inay heshiis iskaashi kala saxeexdeen, balse waxa markii u horreysay heshiiskaas la sheegay inuu labadaas Jabhadood dhex-maray ka hadlay Al-Shabaab.

ONLF IYO AL-SHABAAB

 Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. Cabdicasiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid been-abuur ah oo bannaanka taalla, isla markaana aanay jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya ONLF iyo AL-Shabaab.

“Wararka sheegaya inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya ONLF iyo Al-shabaab waa been cad oo ay faafiyeen kuwo aan beenta ka xishoon. Waxaa la og-yahay in ONLF ay mamnuuc ka tahay agtayada, dhulka aan joognana aanay iman karin. Markaa ma suuro-galayso, wax dhici karana ma ahan inaan xidhiidh la sameynno.”  Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka hawlgallada Al-Shabaab Abuu Mascab.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaas ku daray in iyaga iyo jabhadda ONLF aanay isku mabda’a ahayn, isla markaana aanay shareecada Islaamka marnaba u dagaallamin ee dagaalkoodu uu yahay mid Siyaasadeed oo xukun-doon ah.

Abuu-Muscab ayaa xusay in dagaallo soo noq-noqday oo ka dhacay Bakool ay ku dileen illaa boqol askari oo isugu jira Ciidammada Itoobiya iyo kuwa Liyuu Booliska loo yaqaan ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, deegaannada lagu dagaallamayna ay yihiin kuwo wali ay xiisadi ka jirto.

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall uu u sheegay warbaahinta in xoogag ka tirsan jabahadda ONLF ay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool qayb ka ahaayeen.

Laakiinse, Afhayeen u hadlay ONLF, ayaa daboolka ka qaaday inay yihiin wararka sheegaya in jabhaddu ay ka dagaallantay gudaha Soomaaliya kuwo la been-abuuray oo aanay waxba ka jirin. Afhayeenkan u hadlay ONLF ayaa sheegay in xoogaggoodu ay ku sugan yihiin oo keliya gudaha Itoobiya, isla markaana ay halkaas ka dagaallamaan. Waxaanu ku dooday inaanu jirin wax xidhiidh ah oo Jabhaddooda ONLF iyo Kooxda Al-Shabaab dhex-maray haba-yaraadee.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.