Ajaanib ay Afduub u haysteen Budhcad-badeedda Soomaalida oo ka baxsaday iyo halka ay gaadheen

Gaalkacyo(Aftahannews):- Budhcad-badeedda Soomaalida ee Gaadiidka Badda qafaasha, ayay ka baxsadeen 11 qof oo ka tirsanaa Shaqaale saarnaa Markab la dhaho Mv Albedo oo ay Budhcad-badeeddu afduub ku haysteen, waxaana la sheegay inay gaadheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ka dib markii ay ka fakadeen Budhcad-badeedda oo afduub ugu haystay magaalada Hobyo.

MV-Albedo (1)

Markabkii MV Albedo ayey burcad badeeda afduubteen bishii November 2010, waxaana tan iyo intii ay ku jireen gacanta burcad badeeda ay kala kulmeen jirdil aad u xun.

11ka naakhuude ayaa la sheegay inay kasoo baxsadeen gurigii lagu hayey kadib markii ay gacan ka heleen xubno kamid ah burcad badeedii heysatay oo u fududeeyey in si qarsoodi ah lagu keeno koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

MV Albedo ayaa ahaa markab nooca xamuulka qaada oo sitay calanka dalka Malesiya, waxayna mukiilayaashii markabkaasi lahaa oo kasoo jeeda dalka Iran ay diideen inay bixiyaan 8 milyan oo madax furasho ah oo ay codsadeen burcad badeeda.

Markabkan ayaa sanadkii lasoo dhaafay degay waxaana bada ku dhintay shan kamid ah shaqaalihii markabkaasi iyo waliba qaar kamid ah burcad badeeda. Balse intii kale shaqaalaha ayaa tan iyo xiligaasi lagu hayey guri ku yaal magaalada Hobyo.

Burcad badeeda ayaa jirdil xun u geysatay shaqaalaha sida ay sheegeen qaarkood waxaa jirkooda lagu jar jaray mindi, halka kuwo kale cunto la’aan lagu hayey, balse dhamaan shaqaalaha soo baxsaday ayaa hada caafimaad qaba.

Shaqaalaha Markabkan saarnaa oo gaarayey 23 ayaa kasoo kala jeeda dalalka Malesiya, Iran, Bangaladheesh, Sri Lanka, India iyo Pakistaan.

Balse shaqaalihii kasoo jeeday dalka Pakistaan ayaa horey loosiidaayey kadib markii nin ganacsade Pakistaani ah uu usoo aruuriyey lacag gaareysa 1.2 milyan oo dollar, hase yeeshee intii kale shaqaalaha ayaa afduubka lagu siihayey. Shaqaalahan shalay kasoo baxsaday magaalada Hobyo ayaa hada lagu wadaa in loo duuliyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland/Somalia.