Saamayn intee le’eg bay Qabyaaladdu ku leedahay dimuquraaddiyadda Somaliland?

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in qabyaaladdu saamayn taban ku leedahay nidaamka dimuqraadiyadeed, Axsaabta qaranka iyo maamulka Xukuumadda wakhtigan talada dalka haysa, waxaanu soo jeediyey in talo-wadaag iyo arrin loo dhan yahay lagaga hortago saamaynta ay ku leedahay Axsaabta Qaranka.

fAYSAL

Haseyeesehee waxa uu Faysal Cali Waraabe masuuliyadda ku-dhaqanka qabyaaladda dusha ka saaray Madaxda dalka oo uu ku eedeeyey in hab-dhaqankoodu dhiirri-geliyo isticmaalkeeda. “Qabyaaladdu saamaynta ay ku leedahay Axsaabta siyaasadda waa arrin u baahan in laga baaraan-dego, sidii loo yarayn lahaana laga tashado.

Guddoomiye Cirro Waxa uu sidaas ka sheegay mar uu ka hadlayey munaasibad ay soo-qaban-qaabisay Akadeemiga Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo bandhigay natiijada daraasad in muddo ah ka socotay gobollada dalka.

HALKAN KA DAAWO

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.