Guddoomiye Cirro muxuu ka yidhi caqabadaha dimuquraadiyadda Somaliland ku gedaaman?

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ku guulaysatay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda balse ay jiraan caqado ku gedaaman oo uu sheegay in lagaga bixi karo iyada oo la hirgeliyo waxyaabaha horseedka u ah dhammaystirkeeda, kuwaasoo uu xusay inay ka mid yihiinn doorasho xilligeeda ku qabsoonta iyo diiwaan-gelinta muwaadiniinta codkooda dhiibanaya oo layska kaashado dhammeystirkeeda.

Guddoomiye Cirro Waxa uu sidaas ka sheegay mar uu  ka hadlayey munaasibad ay soo-qaban-qaabisay Akadeemiga Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo bandhigay natiijada daraasad in muddo ah ka socotay gobollada dalka. Halkan hoose ka daawo Muuqaalka iyo hadalka Guddoomiye Cirro.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.