Al-Shabaab oo Masuul u magacawday Booska uu Atam ka fakaday iyo Dr. C/Wali Gaas oo ka hadlay

Garoowe(Aftahannews):- Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu isku soo dhiibay hoggaamiyihii kooxda Al-Shabab u qaabbilsanaa Buuraha Galgala ee gobalka Bari  Maxamed Siciid Atam, oo si toosa dagaal ugula jiray Puntland.

gaas

Maxamed-Sacid-Atam

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay is-dhiibidda Sheekh Maxamed Siciid Atam, oo maanta si rasmi ah u shaaciyey inuu ka baxay kooxdaas, isla markaana isu dhiibay dawladda Soomaaliya, ayaa Gaas ku tilmaamay mid wax badan ka beddeli karta kooxda Al-shabab oo hadda u muuqata inay sii burburayso sida uu sheegay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa is dhiibidda Atam ku tilmaamay iney muujineyso taag-darrada iyo burburka soo waajahay kooxda Al-Shabaab, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay, isla markaana soo dhawaynayo in hoggaamiyihii Al-Shabaabta Galgala isu dhiibo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Howlgallada Ciidammada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidammada nabad-laalinta u jooga Soomaaliya ee Midawga Afrika (AMISOM), ayaa wiiqay awooddii Malleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahayd sannadihii la soo dhaafay inta badan Koonfurta iyo badhtamaha waddanka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Al-Shabaabta Buuralayda Galgala oo ka tirsan gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland, ayaa isaga iyo Kooxdiisu dagaallo ba’an kula galeen Ciidammada Puntland deegaannada Galgala, kuwaasoo dhibaato badani kala qabsatay, isla markaana dhinacna dhinaca kale muquunin waayey.

Buuralayda Galgala, ayaa ah deegaan Jabhadda gasha aan dhayal lagaga saari karin, waxaana lagu qiyaasaa inay la mid yihiin ama ku dhaw yihiin Buuralayda ku yaalla waddanka Agfanistaan ee loo yaqaanno Toora-boora, halkaas oo ka mid ahayd meelihii ay Ciidammada Maraykanka iyo Xulufadoodu kula dagaallameen Al-Qaacida oo ay adkaatay in laga saaro ama laga sifeeyaa.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay in booska uu banneeyey Sheekh Maxamed Siciid Atam ee hoggaaminta Al-Shabaabta Galgala inay u magacaabeen beddelkiisa nin lagu magacaabo Yaasiin Kilwe oo ka mid ah Xubnaha Al-Shabaab ee ay dawladda Maraykanku Malaayiinka Doollar dul-dhigtay Madaxooda, kaasoo lacag saddex Milyan oo Doollarka Maraykanka ah ay dawladda Maraykanku siin doonto cidda keenta Meydkiisa ama Warkiisa oo sugan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.