Maxay ka wadahadleen Wasiirrada arrimaha dibedda dalalka Soomaaliya iyo Yemen?

Beijing(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa maanta Caasimadda China ee Beijing oo uu maalmahanba booqasho shaqo ku joogay kula kulmay Wasiirka arrimaha dibedda waddanka Yemen oo isaguna halkaas u safray, waxaanu booqday Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaaladaas.

IMG_5613 IMG_5616 IMG_5622 IMG_5640 (1) IMG_5640 IMG_5645 IMG_5647 IMG_5651 IMG_5682 IMG_5706 IMG_5729 IMG_5730 IMG_5732 IMG_56011

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Aftahannews ee magaalada Muqdisho waxa uu u qornaa sidan:-

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Beijing ee caasimadda dalka China dhiggiisa Yemen H.E. Dr. Abubakar Al-qirbi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya,arrimaha la dagaalanka burcad badeeda, argagaxisada iyo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr.Abdirahman D. Beileh , waxa uu ammaanay martisoorida iyo soo dhoweynta qaxootiga Soomaaliyeed loogu sameeyay gobolada kala duwan ee dalkaasi Yemen , isagoo muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageereyso hanaanka isbadalada dimoqraadiga ah ee ka dhaqan-galaya wadankaasi , waxa uuna u rajeeyay shacabka iyo Xukuumadda Yemen nabadgelyo , barwaaqo iyo horumar.

Dhankiisa ,Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen H.E. Dr. Abubakar Al-qirbi ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dowlad deris ah oo ay kala dhaxeyso xiriir qotodheer iyo iskaashi xoogan , isagoo ammaanay isbadalada ammaan ee ka soo bidhaamay Caasimadda Muqdisho , waxaana uu sheegay in Xukuumadda Sanca ay barbar taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya , ayna taageereyso howlgalada ammaan ee ka dhanka ah burcad badeeda iyo aragagaxisada oo halis ba’an ku ah nolosha muwaadiniinta labada dal ,shisheeyaha, dalxiiska,kaluumeysiga iyo isdhaafsiga ganacsiga .

Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu booqday gelinkii dambe ee maanta dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Beijing ee Caasimadda China , halkaasi oo uu ku soo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Shacbiga China  ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “Yusuf dheeg”,diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda iyo shaqaalaha “Local Staff” .

Dr. Abdirahman Dualeh , ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta Safaaradda inay kordhiyaan howlaha qaranka ay u hayaan , isagoo xusay in loo baahan yahay dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyo dhismooyinka Safaaradaha qaar ee dalku leeyahay , isagoo qiray in Wasaaraddu ay qorsheyneyso horumarinta aqoonta iyo tayada dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliya ,si guulo ay uga keenaan howlaha kala duwan ee loo kala igmaday.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.