Ujeeddada socdaal Madaxweynaha Soomaaliya u tegay dalka Masar

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqasho shaqo ugu kicitimay magaalada Qaahira ee xarunta waddanka Masar.

201467635377463672075929madaxweynaha-dhoof1

Waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Weftiga uu hoggaaminayaa, ku sheegeen ujeeddada socdaalkooda, inay magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar kaga qaybgalayaan, Caleemo-saarka Madaxweynaha Masar Abdifatax Al-casiisi oo dhawaa xilkaaas loo doortay.

Madaxweynaha iyo Weftiga uu hoggaaminayo waxa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Mas’uuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, waxaana ay ka qeyb galayaan Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al-Siisi oo dhawaan ku guuleystay doorashadii dalka Masar ka dhacday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Waftiga la socda ayaa kulammo gaar gaar ah la qaadan doono Madaxda ka qeyb galaysa Caleemo saarka Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.