Soomaaliya oo sheegtay inay wadaha -dal la bilaabayso Al-Shabaab, Sheekh Atam-na ka hadashay

AMuqdisho(Aftahannews):- Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka hadashay isa-soo-dhiibista uu isu soo dhiibay Hoggaamiyihii Al-Shabaab ee Buuralayda Galgala oo ka tirsan Deegaanna maamul-goboleedka Puntland, kaasoo maanta shaaciyey inuu dawladda isu dhiibay, tallaabadaas oo ay si diirran u soo dhawaysay Soomaaliya.

DSC03392

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan Sheekh Maxamed Siciid Atam oo caddeeyey inuu ka laabtay mawqifkii xag-jirnimada ahaa ee Al-Shabaab ee uu hore u aamminsanaa, ka dib markii sida uu sheegay uu arkay arxan-darrada iyo dhaqan-xumada iyo ku xad-gudubta diinta Islaamka ee ay Al-Shabaab samaynayso.

Wasiir Dhuxulow waxa uu sheegay inay wadahadal la furayaan dhinacyada ka soo horjeeda, haddii ay ka noqonayaan fikirka qaldan ee ay qaateen sida Sheekh Atam oo kale. Qoraal uu Wasiirka Warfaafintu Warbaahinta u akhriyey oo uu arrimahan kaga hadlay waxa uu u dhignaa sida tan:-

Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Dowladda Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafintu waxey ammaaneysaa doorka Sheekh Maxamed Saciid Atom oo uu iska diiday ka mid noqoshada Al-Shabaab, annagoo rajeyneyna in go’aanka geesinimada leh uu dhiiri gelin doono kuwal Al-Shabaab la jooga inay tusaale ka dhigtaan oo midnimada iyo nabadda dalka ka qeybqaataan.

Sheekh Atom waxaa kashifay xaqiiqada dhabta ah ee Al-Shabaab oo ficilkoodu uusan aheyn mid Islaamka iyo Soomaalinimada aaminsan oo ay kooxo ajaanib ah ay ku amarku taagleeyaan oo ay dhexdooda isku diraan. Macluumaadka hoose ee uu ka bixiyey ku hoos noolaanshaha kooxaha Al-Shabaab ayaa si buuxda uga soo horjeeda beenta iyo mala-awaalka ay warbaahinta ka sheegan jireen, shacabka Soomaaliyeedna aad bey uga mahadcelinayaan Sheekh Atom inuu ka shifay beentii ay dhoodhoobi jireen kooxahan argagaxisada ah.

Diidmada ay dadka u diideen in gar-gaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo ayaa ah dembi laga galay shacabka Soomaaliyeed, Sheekh Atom cabirkiisa ku wajahan arrinkan ayaaba dhameystiraya fikirkan qaldan oo uu yiri; “Kama naxaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu heysato, sida kuwa barakacayaasha ah oo ay ka hor-istaageen in la gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo ee ka kala imaanayey dhammaan beesha caalamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dhowr jeer bey ku celcelisay in cid allaale iyo cidii fahamta khaladka ay ku jirto oo caddeysa inay qoryaha iska dhigeen in la siinayo fursad ay shacabka uga mid noqdaan oo la badbaadinayo. Sida uu sheegay Sheekh Atom, fikir kala duwanaanshaheena waxaan ku dhameyn karnaa si nabad ah.”

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya kaga hadlay arrimahaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.