“Waan sii-wadaynaa hawlgalkayaga Soomaaliya illaa …” Taliska Ciidammada Jabuuti

Baladweyne(Aftahannews):- Saraakiisha Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ka jooga gudaha dalka Soomaaliya oo qayb ka ah howl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay inay sii wadayaan dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay nabad looga hirgelin lahaa.

DCIM100MEDIA

Ku-simaha taliyaha ciidanka Jabuuti ee AMISOM, Col. Cali Xuseen Cabdi ayaa ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay in ciidamadoodu ay suura-geliyeen  inay Al-shabaab ka saaraan deegaanno badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan, isagoo xusay inay sii wadi doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.

Col. Cali Xuseen ayaa ka dalbaday dadka Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan ciidamada AMISOM sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nabad iyo horumar, iyaguna ay u heli lahaayeen fursado ay ku shaqeystaan iyagoo nabad-qaba.

Sidoo kale, taliye ku xigeenka ayaa xusay in ciidamadooda ay dagaalkoodu xoojin doonaan si ay Al-shabaab uga saaraan gobolka Hiiraan oo dhan, halkaasoo ay ka howlgalaan; isagoo sheegay inay dhawaan howlgallo kale billaaban doonaan.

Hadalkan sarkaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay Xarakada Al-shabaab dhawaan ka geysatay magaalada Jabuuti qarax ismiidaamin ah oo ay fuliyeen laba qof oo gabar iyo wiil ahaa, kuwaasoo la sheegay inay Soomaali ahaayeen.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay dad ajaanib ah iyo labadii qof, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray 15-qof oo badankood ajaanib ahaa, kuwaasoo ka cunteynayay maqaayadda qaraxa lala beegsaday.

Dalka Jabuuti ayaa waxay qayb ka tahay dalalka ay ka socdaan 22,000 ee askari ee ay ka kooban yihiin ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxayna ciidamadaas ka howl-galaan bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Xigasho Hiiraan.com.