Hoggaamiyihii Al-Shabaabta Galgala oo Soomaaliya isu dhiibay, arrimo badanna fashiliyey

Muqdisho(Aftahannews):- Hoggaamiyihii Al-Shabaabta Buuralayda Galgala Sheekh Maxamed Siciid Atam, ayaa shaaca ka qaaday maanta inuu isu dhiibay dawladda Soomaaliya, isla markaana uu ka baxay Malleeshiyada Al-Qaacida ka tirsan ee Al-Shabaab, taasoo uu sheegay inay bannaysteen Dhiigga Islaamka, kana soo horjeesteen Shareecada Islaamka oo ay Diinta Islaamka dhaqankeeda suubban ka doorteen dhaqan ashkhaas gaar ah ka soo fula.

Maxamed-Sacid-Atam

Sheekh Maxamed Siciid Atam oo la sheegay inuu maalmo ka hor galay gacanta dawladda Soomaaliya oo uu isu dhiibay, ayaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo ay si aad ah u ilaalinayeen Ciidammada dawladda Soomaaliya ee Booliska iyo Nabad-suguddu. waxaanu Shirkaa Jaraa’id ka akhriyey qoraal qodobbaysan, isagoo markii uu hadalkiisa dhammaystay Weriyeyaasha ka qaybgalay Shirkiisa Jaraa’id ay Su’aalo kala duwan halkaas ku weydiiyeen, kuwaasoo uu ka jawaabay halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka akhriso oo ka dhegayso.

“Shir-Jaraa’id – Sabti 07 June 2014

Anigoo ah Sheikh Maxamed Siciid Maxamed (Atom), waxaan u hayaa shacabka Soomaaliyeed farriin muhiim ah. Waxaan in muddo ah u dulqaadanayey qaladka Axmed Cabdi Godane iyo shabakadiisa ay ku hayaan shareecada Islaamka iyo dadka muslimiinta ah. Waxaan maanta go’aansaday inaan iskaga tago Xarakada Al-Shabaab arrimo badan awgood.

  1. Waxaa dhalinyarada loo sheegay in loo dagaalamayo iskuxirka shareecada islaamka, dadkana waxbay ka xukumaan, haddana Axmed iyo shabakadiisu shareecada ma qabato umana hogaansamaan.
  2. Waxey baneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah, sidaas darteed waxey ku laayaan suuqyada, jidadka ilaa masaajidka.
  3. Waxey baneysteen dhiiga Culumada Muslimiinta iyo qof kast oo muhiim ah oo ay mas’alo isku khilaafaan, ilaa culumada ku dhex laayaan masaajida dhexdeeda.
  4. Jihaadku waa Cibaado Allaah baa iska leh, waa wax laga doonaayo muslimiinta oo dhan, weliba iyagoo isku duuban. Axmed Cabdi waxa uu ka dhigtay wax uu isaga iska leeyahay, sidaas daraadeed, waxuu amar ku bixiyey in la laayo, hubkana laga qaato cidii kale ee hub qaadata, waxeyna ka dhigaan mid ay dilaan, mid ay xiraan, mid ay duleeyaan iyo mid iskaga carara.
  5. Xagga shacabka qaxa iyo rafaadka ay ku jiraan wax naxariis ah uma hayaan, waxeyna ku sameeyaan, cunaqabateyn dad maato ah oo muslimiin ah oo tabaaleysan.
  6. Waxaan u sheegayaa dhalinyarada qofka shabaab ka tagay, ma aha qof islaanimada ka tagay, qofkii fikirkooda dhaliilana ma aha qof diinta islaamka wax ka sheegay. Maxaa yeelay, islaanimadu waa diin ee ma aha dad gaar ah fikirkood.
  7. Dadka muslimiinta ah waa ay is khilaafi karaan, laakin ilaahay waxuu amray inay kitaabka iskula noqdaan iyaguna midoobaan, labadaas arrimood Axmed iyo shabakadiisa waa lagala quustay. Midnimo umadeed iyo marjac kitaab midna ma rabaan, Sidaas daraadeed, waxaan tuhunsanahay inaanay ka marnayn danoshisheeye.

Haddaba waxaan cadaynayaa inaan maanta waxii ka danbeeya aan mabaadiidayda  iyo fikirkeyga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo Isfaham, arrinkaasna waxaan isla garanay dowladda Soomaaliyeed. Waxaanan uga mahadcelinayaa sida la ii soo dhoweeyey.”sidaa ayuu qoraalka uu shirkiisa jaraa’id ka akhriyey ku yidhi Sheekh Maxamed Siciid Atam.

Halkan hoose ka dhegayso Codka Sheekh Atam, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.