Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ka hadlay go’aannada laga soo saaray Khilaafkii dhexdooda

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dareenkooda ku waajahan go’aannada ay Ergada Golaha Guurtida Somaliland ku soo afjareen khilaafka KULKMIYE u kala qaybiyey labada Garab ee ay labadaas Masuul kala hoggaaminayeen, kuwaasoo ay gelinkii dambe ee maanta ku shaaciyeen kulan ay Madaxtooyada ugu qabteen dhinacyada is khilaafsanaa.

DSC_0128

Kulankaas waxa ugu horreyn hadal kooban oo waano iyo wax u sheegis ah ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo sidoo kale hoggaaminayey Ergada is-xilqaantay ee Guurtidu u saartay dhex-dhexaadinta dhinacyada KULMIYE iyo Odayga Somaliland Xaaji Cabdikarriin Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe).

Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo Weriyeyaashu wax ka weydiiyeen sida ay u arkaan qodobbada go’aanka ay Ergada Guurtidu ka soo saartay khilaafka Xisbiga u kala jebiyey labada Garab ee ay labadoodu kala hoggaaminayaan, waxaanay ka jawaabeen su’aalahaas iyo inay aqbaleen iyo in kale go’aammadaas.

Haddaba, codka Masuuliyiintaas, Odayaasha Guurtida iyo qodobbada oo uu akhriyayo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo ka mid ahaa Ergada Guurtida ee khilaafka go’aammada ka soo saaray halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso codkaas oo dhammaystiran.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.