Dood xiiso badan oo dhex-martay labada Garab ee Xisbiga KULMIYE u kala jabay

Hargeysa(Aftahannews):- Dood kulul ayaa dhex-martay laba Masuul oo kala taabacsan labada Garab ee Xisbita talada Somaliland haya ee KULMIYE khilaafku u kala qaybiyey oo ay kala hoggaamiyaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah Guddoomiyihii hore ee KULMIYE iyo Guddoomiyaha hadda ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo dhinac waliba difaac iyo weerar sameeyey.

SIYAASIYIINTA ISKHILAAFSAN EE DHINACYADA XISBIGA KULMIYE

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland iyo arrimaha Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Garabka Madaxweynaha ee KULMIYE iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee wakhtigiisu dhammaaday ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo isaguna ka mid ah Garabka Guddoomiyaha KULMIYE hoggaamiyo, ayaa dooddii Jimcaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da (falanqaynta Jimcaha), ayaa waxa Weriye Axmed Cabdi Nuur oo dooddaas hoggaaminayey waxa kale oo uu dooddaas la wadaajiyey Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo wax ka dhiga Jaamacadda Hargeysa Universite ee magaalada Hargeysa, kana mid ahaa Aasaasayaasha Ururkii SNM.

Haddaba, dooddaas oo ah mid xiiso iyo xamaasad badan ka dhegayso AFTAHANNEWS AND RADIO oo aannu idiinku soo gudbinayno. Halkan hoose guji si aad dooddaas xiisaha badan u dhegaysato.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.