Masuuliyiinta Muqdisho iyo Ankara oo markii ugu horreysay kulan gaar ah yeeshay

Ankara(Aftahannews):- Guddomiyaha G/Banadir Brig. General Xasan Maxamed Xuseen (Mungab) oo booqasho ku joogo Wadanka Turkiga ayaa maanta la kulmay dhigiisa Magaalada Ankara ee Caasimadda wadanka Turkiga Mr Alaadin Yuksel oo ah duqa Gobolka Ankara.

ooooo (1) ppppp

ggg lllll llllll pppp ppppplllll

Labada Guddoomiye ayaa kulankoodu waxa uu ahaa midkii ugu horreeyay oo ahaa isbarasho,iyadoo ay labada mas’uul isla soo hadal qaadeen ahmiyadda ay leedahay in labada Gobol uu iskaashi dhax maro lagana wada shaqeeyo dhinacyada Tababarada, horumarinta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale Guddomiyaha G/Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha hay’adda TICA Mr. Serder,isagoo gudoomiyaha ku amaanay hay’adda TICA wax qabadka la taaban karo oo ay ka sameeysay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha TICA ayaa goobta shaaca uga qaaday in TICA ay u soo magacaawday Mas’uul cusub howlahooda Soomaaliya,isagoo mas’uulka uu qeyb ka ahaa shirka maanta ay wada galeen Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha TICA.

Guddomiyaha G/Banadir ayaa u balan qaaday hay’adda TICA ee Turkiga in ay ula shaqeyn doonaan si hufnaan iyo wax tar ku jirto,iyadoo dhanka TICA ay aad ugu hambalyeysay Gudoomiye Mungaab wada shaqeynta iyo maamul wanaaga uu ku hogaaminayo Gobolka Banadir iyo Dowladda hoose ee Muqdisho.

Guddomiyaha Gobolka iyo Hay’adda TICA ayaa sidoo kale isla afgartay ahmiyadda ay leedahay in tababaro la siiyo shaqaalaha Dowlada Hoose,taaso asaas u ah isku filnaashaha dhan walbo ah uu doonayo in uu gaaro maamulka G/Banaadir.

Sidoo kale hay’adda TICA ayaa Guddomiyaha balan qaadyo u sameysay kuwaasoo ku aadan dhanka hirgalinta warshado yar yar oo wax soo saar leh ,kuwasoo laga sameeynayo caasimadda Muqdisho, iyadoo taasi ay qeyb ka qaadan doonto shaqo abuurka dhalinyarada caasimadda Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.