Sheekh Umal oo si layaab leh loogu soo dhaweeyey Laascaanood Daawo

Laascaanood(Aftahannews):- Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascanaood ee xarunta gobolka Sool, waxaanay boqollaal Gaadiid iyo dadweyne reer Laascaanood ahi kaga horyimaaddeen deegaanka Yagoori ee Galbeedka magaaladaas.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo labadii toddobaad ee u dambeeyey socdaal ku joogay dalka Somaliland, isla markaana hore loogu soo dhaweeeyey magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco oo uu saaka ka ambabaxay, ayaa Muxaadirooyin Diini ah ka jeediyey Hargeysa iyo Burco, waxaana la filaya inuu Laascaanood-na Muxaadirooyin Diini ah uu ka jeedin doono.

Waxa soodhawayntaas loo sameeyey Sheekh Umal ka dib loo gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Laascaanood, waxaanu markii uu magaalada gaadhay ka hadlay dareenkiisa ku aaddan sida loo soo dhaweeyey oo uu ka mahad-celiyey. Haddaba, Sheekh Maxamed Cabdi Umal qaabkii loogu soo dhaweeyey Laascaanood iyo weedhihii uu ka jeediyey halkaas, ka daawo halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.