Jacbur Samays ah: Axmed-Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo isu Gabyey

Maansadan yar ee kooban oo ah mid maad iyo murtiba xambaarsan waxaan ku kala cabbiraynaa dareenka ama aragtiyaha ay kala aaminsan yihiin Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo mujaahid Muuse Biixi, waxaanna tiriyay abwaan Cabdikariim Muxumed Cadde (QAAMUUS).

Waxay labada masuul is dhaafsadeen labadan maanso oo mid weliba yahay dareen aan anigu cabbiray, markii aan arkay jawiga labada masuul ee murrashaxnimada KULMIYE isku khilaafay.

muuse iyo silaanyo

Maansada Siilaanyo:

Ninkuu shacabku doortee

Shaalka saaray baan ahay

Sheekhii Kulmiyaan ahay

Shan kastoo timaadana

Waxa sharaxan kaligay

Midhna aan ka shaafiyo

Shacabkiyo dadkaygee

 

Isagaa is shawakhshoo

Isla shaamareeree

Muuse-na shuruud iyo

Shay annuu lamaan gelin

Waligaa i shiid shiid

Ama shaanni tuur tuur

Haddaad calan-cas shirisana

Shiishtaydii baa iman

Bal waxaydun sheegtaan!

Maansada Muuse Biixi ku Jawaabay:

Kulmiyeynu share iyo

Ku ahayn shuraakee

Maxaa sheeko suuqdiyo

Keenay shuruud lamaan galin

Hankaygii i shidi jirey

Markuu galay shinkiisii

Haddaan sheegtay oon idhi

Haatan waa shantaydii

Sharaca lee ma kiis baa?

Sharcigay ku taallaa

Waligayba sheekhow

Inaan kuu shaqeeyoon

Shaadhka adiga kuu tolo

Anna sheed ka daawado

Kursigaa shidada badan

Ma anigaa nin shaanni ah

Waa maxay shirqoolkiyo

Shaabadani raqiiskii?

Shan horood la waydiyo

Shantan aad dul saarnayd

Ayaan sheekh ku soo sidoo

Shan kale ma karayee

Shoogaygii weeyee

Naso sheekh ha daaline!

La soco qayabe kale oo maansadan ka mid ah, kuna soo darso akhriste wixii fikir ah

Email: qaamuuskaqarniga01@gmail.com