Xubin Golaha Wasiirrada Somaliland ka tirsanaa oo ka jawaabay eedayn Madaxweynuhu u jeediyey

Boorama(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Tiknoologiyada iyo Cilmibaadhista Somaliland Aadan Axmed Warsame, ayaa iska fogeeyey eedaymo Madaxwayne Siilaanyo u cuskaday xil-ka-qaadis uu ku sameeyay toddobaadkan dhammaaday, waxaanu ku tilmaamay mid la buun-buuniyay xaqiiqdana aan waafaqsanayn.

WASIIRKII HORE EE XIDHIIDHKA GOLAYAASHA, CILMI BAADHISTA IYO TIGNOLAJIYADA SLAND

Digreetada uu Madaxweyne Siilaanyo xilka kagaqaaday Wasiirkiisii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha, ayaa noqonaysa markii u horreysay ee madaxweynuhu sababeeyo xilka-qaadis uu ku sameeyo golihiisa wasiirrada tan iyo markii uu hoggaaminta talada dalka la wareegay bishii July ee sannadkii 2010-kii, isaga ku xusay digreetada inuu xilka uga qaaday sababo la xidhiidha xil-gudasho la’aan, baylah iyo cabashooyin la xidhiidha hawlaha uu qaranka u hayo oo dad badani uga gudbiyeen.

“Madaxwaynuhu waa masuulkii qaranka, wuu ku mahadsan yahay xilka uu ii dhiibay, xilka qaadistuna waa hawl uu isagu awood dastuuri ah u leeyahay, mana diidani in uu xilka iga qaado, oo waan soo dhawaynayaa, balse waxa aan ka biyo-diiday oo aan gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamayaa sababaha uu u cuskaday xil ka qaadistayda,” Sidaa waxa yidhi Aadan Axmed Warsame, wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha oo warbaabinta qaarkeed u warramay.

“Madaxwaynaha xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeyay, haddii ay cabasho iga dhan ahi u timi waxa ay ahayd si ay u sugnaato cadaaladda arinta uu ka gar naqayaa, in uu anigana ii yeedho oo wax iga waydiiyo, mase qaadin talaabadaas, iima yeedhin, waxna igama waydiin waxa la igaga cabanayo, waxa uu ku go’aan qaatay hal dhinac, gabi ahaanna cabashooyinkaas iga dhanka ahaa ee uu Madaxwaynuhu dhegaystay waa kuwo la buun buuniyay oo xaqiiqda ka fog, sidoo kalena aan sal iyo raad midna lahayn,” ayuu yidhi.

Wasiirkii hore ee Xidhiidhka goleyaashu waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababaha xil-ka-qaadistiisa soo dedejiyey iyo khilaaf dhexmaray madaxda kale ee Wasaaradda, waxaanu yidhi,  “Marka aan ka xog waramo sida ay wax u dheceen waxa ay ahayd in Agaasimaha Guud ee Wasaarada aan masuulka ka ahaa ee maalintaas ku dacwooday inuu na dhex martay gacan-ka-hadalku uu isaga oo cadhaysan, fidno iyo dagaalkana la socda uu xafiiskayga isa soo hor taagay, markii askarigii xafiiska hor fadhiyay oo diiday inuu gudaha u gudbana uu isla askarigii la dagaalamay, oo nabaro gaadhsiiyay, taasi waa marag ma doon, waxana ay dhakhaatiirtu cadaysay in askarigii uu la dagaalay ninka Agaasimaha ah ee fidnada waday uu ilkaha wax ka qabo, waana joogaa askarigii, oo waad waraysan kartaa, mana jirin maalintaasi wax na dhex maray aniga iyo Agaasimaha dacwada beenta ah nagu soo oogay, marka laga reebo in aan anigu hore shaqo joogin ugu sameeyay kadib markii aan arkay in xilka iyo masuuliyada Wasaarada ee isagu uu u xilsaarnaa uu ku fashilmay, khilaafna uu na dhex maray, Madaxtooyaduna aanay isku dayin inay na dhex gasho oo ay khilaafkaasi dhamayso.”   

aftahinc@gmail.com

Aftahannews.com                                    

Hargeysa/Somaliland.