Masuulliyiinta UCID oo sheegay in loo diiday Madaarka iyo Maamulaha oo ka jawaabay

Hargeysa-(Aftahan)-Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in laga hor istaagay  Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee Magaaladda Hargaysa isaga iyo saraakiil kale oo  Xisbiga UCID ah, xilli ay isu diyaarinayen inay soo dhaweeyaan  Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe oo dalka dib ugu soo laabtay.

maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaciil, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Duulista Hawada, wuxuuna sheegay in aanay la soo xidhiidhin Xisbiga UCID isla markaana aanay ku wargalin inuu Guddoomiyahoodu imanaayo, balse markay ogaadeen inuu diyaarada la socdo, ay si meeqaam sare ah u soo dhaweeyeen una fureen qolka VIP-da. Geesta kale wuxuu sheegay  maamulaha madaarku in eedaynta Musharax Jamaal Cali Xuseen ay tahay mid la siyaasadeeyay. Waxaan hadaladiisi kamid ahaa.

maamulaha madaarka Hargeysa

“Waxaan cadaynayaa anigoo ah Maamulaha Madaarka Hargaysa in aanay jirin cid aanu ka hor istaagnay Madaarka oo sifihii sharciga ahaa u soo martay, walaa Xisbi siyaasiya walaa cidkale toona, mida kale ee aan doonaayo in aan idin sheego  waxaa weeye arrintaas aan Saxaafadda qaar kood ku arkay  waa la siyaasadeeyay, annagu Madaar caalamiya ayaanu nahay oo ku shaqeeya nidaamka caalamiga ah, cid kasta oo rer Somaliland ah iyo adduun waynahaba wuu u furanyahay garoonku.”