Beledweyne oo laga xusay 37-sano guurada Aasaaskii Ciidanka dalka Jabuuti

Baladweyne(Aftahannews):- Munaasabad lagu qabtay xarunta taliska ciidamada Jabuuti ee deegaannka Ceel-Jaalle duleedka Beledweyne, islamarkaana lagu maamuusayay 37-sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidamada militariga dalka Jabuuti,  ayaa waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidanka dowladda, kuwa midowgga Africa AMISOM iyo marti-sharaf kale.

DCIM100MEDIA

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti  ee howlgalka AMISOM oo lagu magacaabo Gashaanlle Cali Xusseen Cabdi [Cali Dheere] oo munaasabada ka hadllay ayaa sheegay in ciidamada militariga Jabuuti la aas-aasay sanadkii 1977-kii.

Waxaa uu sheegay in mudadii ay dhisnaayeen ciidamada ay ka howlgaleen dib u soo celinta nabada ilaa todobo dal oo ay ka jireen khalalaase siyaasadeed oo sababay gacan ka hadal, waxaana ka mid ah dalalkaas Soomaaliya oo ay ka howlgalaan ciidamada.

“Howlgalkeen Soomaaliya waa mid inta badan ku xirran AMISOM, dowladdana waa ay ka war-qabtaa, sababta aan u joogno Soomaaliya  waa in aynu ka qeyb-qaadanno howlgalka AMISOM, gaar ahaan in aan wax ka qabno cadawgga Soomaaliya,’’ ayuu yiri Cali Dheere.

Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayuu ka dalbaday in ay ku gacan siiyaan ciidamada qorshaha dib u soo celinta nabada iyo siddii meesha looga saari lahaa wax uu ugu yeeray kooxaha cadawgga ku ah nabad-galyada.

Waxaa sidoo kale munaasabada hadal kooban ka jeediyay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Itoobiya oo sheegay in labada dowladood ee Itoobiya iyo Jabuuti ay ka dhaxeeyaan danno badan, islamarkaana xiriir wanaagsan oo qota dheer leeyihiin, isaga oo sheegay in uu ciidamada iyo shacabka Jabuuti  ugu hanbalyeeynayo munaasabada ay u dabaal-dagayaan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo ugu danbeyntii munaasabada soo xirray  ayaa cabiray sidda uu ugu faraxsan yahay ka qeyb-galka munaasabada loogu dabaal-degayo 37 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga Jabuuti.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in mudadii ay ka howlgallayeen ciidamada Jabuuti dalka Soomaaliya gaar ahaan  gobolka Hiiraan qateen howlo muhiim u ah nabad-galyada, iyaga oo siddoo kalana qeyb weyn ka qaatay ka qeyb-gallka adeegyada kala duwan ee bulshada, sidda arrimaha bani’aadanimada oo ay gacan weyn ka geysteen.

“Runtii waxaan doonayaan anniga oo ka faa’ideysanaya fursadan in aan halkan uga mahad celiyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle go’aankii uu ciidamada ugu soo dirray dalka Soomaaliya,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Munaasabada oo aheyd mid si ballaaran looga soo qeyb-gallay, ayaa lagu soo bandhigay sugaan iyo cayaaro kala gadisan oo siweyn u soo jiitay ka qeyb-gallayaashii munaasabada.

Ciidamada Jabuuti ayaa xiligan ka howlgala magaalada Beledweyne iyo degmada Buula-burte oo ay horaantii sanadkan lagala wareegay Al-shabaab.

Xigasho Hiiraan.com.