Kulan Markab dushii ku dhexmaray Masuuliyiinta Soomaaliya Iyo Madaxda Ciidanka Turkiga

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha federaalka Soomaaliya, ayaa maanta Maraakiib Dushood kula kulmay Saraakiil ka socda dawladda Turkiga, waxaanay Masuuliyiintu kulanka Markiibta Dushooda kaga wadahadleen arrimo kala duwan iyo xidhiidhka ka dhexeeyo.

d

ff gg hg hh hhg hhhh jgj s unnamed-5kjjkj unnamed-10jh

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha C/weli Sheekh Axmed iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,  ayaa Markab ay leeyihiin Ciidammada Badda Turkiga oo ku Soo Xirtay Dekedda Muqdisho kula Kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidammada badda ee dalkaasi iyagoo ku soo dhaweeyay dekeda Muqdisho, iyadoo maraakiibtaasi tiro ahaan ay ahaayeen 4 Markab.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud  oo warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah Maraakiibtaasi,  ayaa Xusay  inay sharaf weyn ay u tahay in ay ku soo dhoweyaan dalka maraakiibta badda Turkiga ee soo gaaray  dekedda Muqdisho, waxaana uu kormeeray mid ka mid ah maraakiibtaasi oo ay ku wada qadeeyeen.

“Waxaan ka mahadcelinayaa deeqda dawada ah oo ay ugu talo galeen isbitaalada magaalada Muqdisho ay maamulaan walaalaha Turkiga islamarkaana ay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ay na soo gaarsiiyeen maraakiibtani, runtii aad baan idiin kaga mahad celinaynaa caawimaada dhabta aad na siineysaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Saraakiisha Turkiga ah ayaa madaxweynaha  warbixin ka siiyay socdaalkooda, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu qeyb ka yahay safar ay ku marayaan wadamada Africa ee Xeebaha leh, Waxaana Safiirka Dowladda Turkiga Kamaaludiin oo halkaasi ka hadlay ayaa  ku amaanay madaxda dalka  howsha baaxada leh oo ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed.

Saraakiishani oo uu hogaaminayo taliyaha Ciidammada Badda Dalka Turkiga Rear Admiral Ali Murat, ayaa sidoo kale xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo calaaqaadka dhanka Ciidamada ah, waxaana taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo taliyaha Ciidanka Badda ay is weydaarsadeen hadiyado kale duwan, iyagoo dhanka kale wafdigaasi la kulmay wasiirka gaashaandhiga mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.