Maamuuska Maalinta Deegaanka maxay ka tidhi Marwada koowaad?

Hargeysa(Aftahannews):- Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde oo ay weheliyaan Wasiirrada Haweenka ah ee Xukuumadda ka tirsan, ayaa maanta ka qaybgalay Munaasibad lagu xusay 5-ta bisha June oo ku beegan maalinta deegaanka adduunka loo aqoonsaday oo sannadkasta Somaliland laga xuso. Waxaanay Marwadu ku baaqday in lagu dedaalo dhawrista iyo ilaalinta Dhirta si loo helo deegaan bad-qaba.

AAMINA-WARIS IYO WASIIRRADA HAWEENKA AH Maamuska maalinta deegaanka

Marwada Koowaad Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde, oo khudbad ka jeedisay Munaasibaddaas oo lagu qabtay Xaafadda Cusub ee Degaale oo dhawaan laga bineeyey dhinaca Bari ee garoonka diyaaradaha Cigaal ee maagaalada Hargeysa oo ay Barakacayaal deggan yihiin, ayaa ka hadashay muhiimadda ilaalinta deegaanku dadka iyo duunyada iyo weliba makhluuqaadka dhulka korkiisa ku nool u leedahay iyo sida loogu baahan yahay inay dadka reer Somaliland shacab iyo dawlad-ba isaga kaashadaan dhawristas deegaanka iyo daryeelkiisa.

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-waris markii ay khudbaddaas jeedinaysay, ayay ku xeernaayeen ama labada daraf iyo gadaal ka taagnaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan, Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan iyo Maareeyaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diirye.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegeyso Khudbadda ay Marwada Madaxweynuhu ka jeedisay Xuska Maalinta caalamiga ah ee deegaanka oo Somaliland sannadkan deegaanno badan oo ka mid ah lagu dhireeyey xuskan awgii.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.