Xiisad la sheegay inay ka dhalatay 23 Garsoore oo shaqada laga fadhiisiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Guddida Cadaaladda Somaliland ayaa ku kala qaybsamay 23 garsoore oo ay xubno guddidaasi ka mid ahi aad u danaynayeen in la caydhiyo, kuwaas oo sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedo xogogaal ahi u badan Garsooreyaal mudo dheer ka hawlgalayey maxkamadaha kala duwan ee Dalka.

Sida la sheegay shir maanta ka dhacay xarunta maxkamadda sare ee Magaaladda Hargeysa oo ay iskugu yimaadeen guddida cadaaladda Somaliland ayaa lagu deedefeeyey go’aan hore loogu gaadhay in shaqada laga eryo 23 garsoore oo ka hawlgali jiray maxkamadaha, kuwaas oo shan ka mid ah 10-ka xubnood ee guddida cadaaladu ka kooban tahay ay diideen in shaqada laga fadhiisiyo garsoorayaashan oo tan iyo intii ay soo baxeen xiisad ka dhex-dhalisay bahda garsoorka, taas oo keentay in xataa xukuumadu soo faro galiso arrintan.

Sidoo kale shanta xubnood ee diiday go’aankan lagu eryeyo 23-ka garsoore oo ay dabada ka riixayeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Sare iyo gobolka Maroodi Jeex Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago) ayaa sida Haatuf u xaqiijiyeen dad xogogaal ahi waxa ka mid ah shanta xubnood ee diiday go’aanka eriga 23-ka garsoore afarta xubnood ee ay soo magacaabaan Golaha Guurtida iyo Wakiilada iyo Agaasimaha guddida Wasaaradda Cadaalada.

Xigasho Haatuf.net