Saaxiibbo khilaaf Siyaasadeed kala kexeeyey oo markii u horreysay isku soo dhaweeyey Hargeysa

Berbera(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

CRAXMAAN-CIRRO OO FAYSAL CALI WARAABE SOO DHAWEEYEY 1

 21CIRRO DSC00558(2) DSC00560(2) DSC00561(2) DSC00562(2)DSC00573(2)

Soodhawayntaas oo noqonaysa tii ugu horreysay ee uu Cirro iyo Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo isagana uu khilaafka siyaasadda ee awood-raadinta Kursigu ku qaabbilo Faysal tan iyo intii ay ku kala baxeen 2012-kii UCID oo ay wada ahaayeen muddo khilaaf siyaasadeed oo kala jebiyey awgii.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay Masuuliyiin iyo taageerayaal UCID ka tirsani oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Guddoomiye Cirro iyo Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu muddo safarro ugu maqnaa waddamada Yurub iyo Imaaraadka Carabta qaarkood.

Soo-dhawaynta Eng. Faysal ee uu ka qayb-qaatay Guddoomiyaha WADDANI Md. Cirro, ayaa u muuqata mid is-bahaysi iyo isu-soo-dhawaansho Siyaasadeed oo labada Xisbi Mucaarad ka dhexeeya, inkasta oo ay dabayaaqadii sannadkii hore wada-jir ugu baaqeen UCID iyo WADDANI qabashada Dood Qaran oo lagaga hadlo xaaladda dalku marayo oo ay Xukuumaddu ka soo horjeesatay, ka dibna Akaademigga nabadda iyo horumarinta Somaliland la wareegay, haddana laguma guulaysan hirgelinta Shirkaas.

Hase-yeeshee, tallaabadan soo-dhawaynta ah ee uu Md. Cabdiraxmaan-Cirro qaaday ayaa ah mid ku cusub siyaasaddii ka dhaxaysay labadaas Xisbi oo mararka qaarkeed cunfiga khilaafkii siyaasadeed ee kala kaxeeyey Cirro iyo Faysal oo muddo Saaxiibbo reer UCID ah isku ahaa, kaasoo salka ku hayey kala jiidashada awoodeed ee Xisbiga ay midka ku ahaayeen ee UCID oo markii khilaafkoodu muddo jiitamayey ay Maxkamadda sare ee Somaliland go’aan ka gaadhay ay hoggaaminta Xisbiga ugu xukuntay Eng. Faysal Cali Waraabe.

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu Xukunkaa Maxkamaddu ka gaadhay is-haysigii UCID oo labada Garab ee uu u kala jabay ay Faysal iyo Cirro kala hoggaaminayeen, ka dib uu isla sannadkaas 2012-kii Cirro iyo Saaxiibbadiisii markaas Garabkiisa la socday aasaaseen Urur-siyaasadeedkii WADDANI oo noqday Ururka keliya ee ka soo gudbay dhawr iyo toban Urur-siyaasadeed oo mar lala furay, isla markaana ka qayb-galay doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland oo qabsoontay bishii October 2012-kii, balse WADDANI mooyee intii kale aanay ku guulaysan inay Xisbi Qaran u soo gudbaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.