Deegaanno ka tirsan Bakool oo laga qabsaday Kooxda Al-Shabaab

Muqdisho(Aftahannews):- Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, ayaa la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen Malleeshiyaadka AL-shabaab.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

Iyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay ciidamada qalabka sida ay dar dar geliyeeen howlgallada ay ka wadaan gobolka Bakool ayaa haddana lagu soo waramayaa in saacadihii ugu dambeeyay ay ciidamadu la wareegeen Saldhigyo ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ay ciidamadu kula wareegeen Afar Saldhig oo ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaannada Rabdhuure, La Heroow, La Galaay, Buura xinle iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi.

Howlgalada ciidamada qalabka sida ay ku xoreynayan gobolkaasi ayaa si xowli ah ku socda, iyadoo isgaarsiinta deegaanno ka mid ah gobolkaasi ay weli hawada ka maqanyihiin.

Dhinaca kale xaalad bani’aadanimo iyo macluul aad u daran ayaa laga soo sheegaya gobolkaasi, tiiyoo ay sii dheertahay colaado iyo cadaadiska Shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa ka deyriyay xaalada nololeed ee dadka ku nool gobolkaasi,  isagoo dalbaday in gargaar deg deg ah lala soo gaaro, wuxuuna ka digay in haddi an lala gaarin gurmad deg deg ah ay halis ku ku jirto nolosha qoysas farabadan oo ku nool deegaano hoos yimaada gobolkaasi.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.