Ban Ki-moon oo ku baaqay in la joojiyo Kufsiga Haweenka iyo heerka uu Somaliland ka gaadhay oo laga dayriyey

Britain oo 10 June qabanaysa Shirweyne heer caalami ah oo lagaga hadlayo Tacaddiyada Haweenka Soomaalida ah

New York/Hargeysa (Aftahannews):- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki moon, ayaa guud ahaan caalamka ugu baaqay in la joojiyo dhibaatada Kufsiga ee lagu hayo Haween waynaha adduunka, iyadoo dalka Somaliland sannadihii u dambeeyey uu kor u kacay xad-gudubka dhaqan-xumada ah ee Kufsiga lula kaco Gabdhaha.

Ban-Ki-moon_20110302

“Tacadiyada Haweenka lagula kaco tusaale ahaan waxa Hargeysa ka dhacay 221 Kiis oo Kufsi ah sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan 2013-ka laga soo bilaabo bishii Janaury illaa September, sida ay tilmaamayso xogta Baahi koobka Cisbitaalka Hargeysa, iyadoo ay tiradaasi tahay inta la soo xidhay oo kaliya, balse aanu rumaysanahay inay tiradu intaasi ka badan tahay, goboladda dalkeena oo dhanna arrintani waa mid ka jirta.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo hadal ka jeediyey Munaasibad 28-kii November ee sannadkii tegay Munaasibad lagaga hadlayey tacaddiyada Haweenka ka dhanka ah oo lagu qabtay Hargeysa.

Sidoo kale Taliska Booliska Somaliland ayaa qiray dhibaatada Kufsiga ee ku sii baahaysa dalka, isla markaana waxay sheegeen in si wadar ama wada-jir ah koox Wiilal dhalinyaro ahi isugu dayaan amaba ugu fuliyaan Kufsi hal Gabadh. “Mudane, Madaxweyne inta aanan dhex-gelin war-bixinta waxaan jeclaan lahaa inaan wax ka tilmaamo dhacdooyinka dhinaca nabadgelyada khuseeya oo ay Ciidaanka boolisku muddooyinkan u danbeeyey ay ku hawlan yihiin, tallaabooyin adagna ay ka qaadeen, waxaa ka mid ah, dhalinyarada kooxa-kooxeysiga ee Xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaasoo bulshada kula kaca falal Budhcad-nimo iyo dhaqan-xumo aynaan caado hore u lahayn oo ah kufsi-wadareedyo, waxaanay Ciidanka boolisku u qabteen oo ay gacanta ku dhigeen sannadkan (2013) 375 ka mida dhalinyaradaasi, waxaana lagu xukumay xadhig u dhaxeeya 3-sanadood ilaa sadex bilood.” Sidaa waxa yidhi Hoggaanka Hawlgelinta Booliska Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali oo Warbixin ka jeediyey Munaasibad lagu xusayey 20-guuradii aasaaska Booliska Somaliland oo 3-dii bishii 11-aad (November) lagu qabtay Hasrgeysa, isla markaana uu goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhegaysanayey Warbixintaas.

Haddaba, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, oo shalay ka hadlay arrinta Kufsiga Haweenka, ayaa sheegay in la gaadhay xilligii guud ahaan dunida laga cidhib-tiri lahaa Kufsiga lagula kaco Haweenka. “Labdii toddobaad ee u dambeeyey gudahooda waxaynu arkaynaa inay dheceen weerarro dhaqan-xumo ah oo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha ee Haweenka iyo guud ahaan Gabdhaha caalamka guud ahaan, kuwaasoo ka dhacay dalalka Nageria, Pakistan, California iyo Hindia. Waxaan aad uga naxsanahay Kufsiga arxan-darrada, axmaq-nimada iyo dilka ah ee Hindiya loogu geystay labada Gabdhood ee yar-yar.” Sidaa ayuu yidhi Ban Ki-moon.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, waxa uu soo jeediyey inay guud ahaan bulshooyinka caalamku u midoobaan in la baabbi’iyo oo la joojiyo, isla markaana cidhib-tirka dhaqan-xumadaas Kufsiga dhinac looga soo wada jeesto, waxanu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan idiin caddeeyo dhammaantiin in xlligan la joogo markii la joojin lahaa tacaddiyada lagula kaco Dumarka.”

“Waa inaynu nidhaahnaa maya! Joojiyaha dhaqan-xumada axmaqnimada ah Wiilasha Kufsiga wada, waa inaan cidhib-tirno Kufsiga. Waynu awoodnaa inaynu awood ku joojinno dhibaatada Kufsiga ee lagu hayo Haweenkeenna ee yaxyaxa iyo naxdinta ku ah dad badan oo wax fahmaya. Waxaan codsanayaa in la joojiyo dhibaatadaas lagu hayo Haweenka oo aynu u midawno cidhib-tirka Kufsiga.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Ban Ki-moon, ayaa tilmaamay in xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka ay yihiin kuwo liddi ku ah ammaanka iyo hormarka loona baahan yahay in sida ugu dhaqsi badan looga joojioy caalamka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya. “Guud ahaan waa waxaan la aqbali karin tacaddiyada Haweenka ka dhanka ah ee Kufsigu ugu horreeyo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ban Ki-moon.

Dawladda Ingiriiska, ayaa tobanka bishan aynu ku jirno ee June 2014, waxay magaalada London ku qabanaysaa Shirweyne heer caalami ah oo lagaga hadlayey tacaddiyada lagula kaco Haweenka adduunka ku dhaqan iyo sidii wax looga qaban lahaa ee loo joojin lahaa, tacaddiyadaas oo ay ka mid yihiin Kufsiga, Gudniinka Fircooniga ah iyo xad-gudubyada kale ee Dumarka caalamka ka dhanka ah, waxaana Shirkaas diiradda si guud loogu saari doonaa dhibaatooyinka Haweenka Afrika, gaar ahaan Haweenka Soomaaliya.

Xigasho Wargeyska Himilo.