Bushar Al-Asad oo loo doortay Madaxweynaha dalka qalalaasuhu ka jiro ee Suuriya

Dimishiq(Aftahannews):- Mas’uuliyiinta waddanka Suuriya ayaa sheegay in Bashar al-Assad dib loogu soo doortay xilka madaxweynaha, waxa uuna helay ku dhawaad boqolkiiba 89 codadkii la dhiibtay.

Natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqay afhayeenka baarlamaanka Suuriya, Maxamed al-Laxaam. Doorashada ayaa waxaa la qabtay xilli uu dalkaasi bartamaha kaga jiro dagaal sokeeye, dadka ku nool deegaanada ay dowladda maamusho oo kaliya ayey u suurtagashay in ay ka qeyb qaataan doorashada.

Mucaaradka Suuriya ayaa qaadacay doorashada, iyagoo ku tilmaamay inay tahay majaajilo, hasayeeshee dowladda ayaa sheegtay in dadka u soo baxay in ay codkooda dhiibtaan ay gaareen boqolkiiba 73.

Waa markii ugu horraysay oo doorashadani loo ogolaado inuu qof kale oo aan ahayn qoyska reer Asad uu ka qeyb galo.

Maraykankana waxuu doorashadani ku tilmaamay mid aan wax micno ah lahayn. Guushan uu gaaray Bashaar al-Assad ayaa waxay kor u sii qaadi doontaa taageerada ay dowladda haysato.

Xukuumadda Assad ayaa la sheegaa in ay guulo ka gaartay dagaalka ay kula jirto mucaaradka, halka kooxaha mucaaradkana uu khilaaf u dhaxeeyo.

Xigasho BBCSomali.com.