Nuxurka qodobbo ay ka wadahadleen Dawladaha Muqdisho iyo Beijing

Beijing(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo socdaal shaqo ku tegay waddanka Shiinaha, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dawladda China, waxaanay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka labada dal, kor-u-qaadista iskaashiga iyo adeegyada horumarinta Soomaaliya.

IMG_5267

IMG_5204 (1)  IMG_5206 (1) IMG_5206 IMG_5250 (1) IMG_5250 IMG_5254 (1) IMG_5254 IMG_5267 IMG_5273 IMG_5276 IMG_5279 (1) IMG_5279 IMG_5283 IMG_5284 IMG_5293 IMG_52651

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, waxaana qoraalka warkaas oo nuqul ka mid ah Xafiiska Aftahannews ee Muqdisho helay u qornaa sida tahan:- 

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda China Wang Yi , waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga balaaran ee labada dal u dhaxeeya iyo fulinta mashaariic horumarin oo dowladda China ay ka hirgeliso dalka Soomaaliya , kuwaasi oo qeyb ka ahaa balan-qaadyo Xukuumadda Beijing ay hore u sameysay.

Kulankani oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda  China ee Magaalada Beijing ee caasimada dalkaasi , ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha ammaanka , siyaasadda iyo ganacsiga .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa uga sheekeeyay dhiggiisa China , horumarada amni ee ka hana-qaaday Soomaaliya iyo rajada laga qabo in awoodda dowladda iyo sharciga lagu baahiyo  guud ahaan gobolada kala duwan ee dalka .

H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa muujiyay in Soomaaliya ay ka filaneyso dowladda China taageero balaaran oo waxtar u leh dalka iyo dadka ,horseedi kartana in fursado shaqo loo abuuro dhalinyarada iyo muwaadiniinta kale , si xal dhameystiran oo nabdoon loogu helo qalalaasaha iyo fikirka guracan ee argagaxisada.

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda China H.E. Wang Yi ayaa bogaadiyay dadaalka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo deganaanshaha, isagoo sheegay in China xiriir dhow oo saaxiibtinimo ah ay la leedahay Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka  China oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600 sano , iyadoo Culimada iyo Ganacsatada China ay booqdeen deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya sanadkii 1420-kii si isdhaafsi ganacsi ,dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaan dadka Soomaaliyeed .

Dowladda China ayaa  aqoonsatay qaranimada iyo gobonimada Jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sanadkii 1960 –kii  ,  taa badalkeeda Dowladda Soomaaliya waxa ay hormuud u aheyd , olole hogaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda China ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto Golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay Xukuumadda Beijing inay yeelato  awoodda codka qayaxan ee diidmada.”

aftahannews.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.