Somaliland oo sheegtay inay Jabuuti u fududaysay helitaanka dad isku qarxiyey 24 May

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay laba qof oo isku qarxiyey Goob laga cunteeyo oo ku taallay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti 24-ka bishii May ee inna dhaaftay, kuwaasoo la sheegay is-qarxintooda ka hor inay ka tageen Caasimadda Hargeysa. 

Waxa ay Xukuumadda Somaliland sheegtay inay dawladda Jabuuti u fududaysay xogta ogaansha halka ay labadaas qof oo nin iyo gabadh ahaa ka yimaaddeen, halka ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan iyo sida ay Somaliland ku dhaafeen.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo Hargeysa ku soo laabtay, ka dib markii uu toddobaadkan Safar ku tegay magaalada Jabuuti oo uu kula kulmay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Raysal-wasaaraha Jabuuti, ayaa waraysi uu la yeeshay Weriye Khadar Macallin Deeq oo ka tirsan Bulsho TV, waxa uu ku sheegay inay Somaliland fududaysay helitaanka xogta labadaas qof ee Jabuuti isku qarxiyey.

Halkan hoose ee AFTAHAN RADIO ka dhegayso Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo qodobbadaas ka warbixinaya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.