Madaxweyne Gaas oo Gaadhi Ciidan ku dhex eryey Xerada ilaalada Badda Puntland

Boosaaso(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta booqday, isla markaana kormeeray Xerada Ciidanka ilaalada Xeebaha dawlad-goboleedka Puntland ee magaalada Boosaaso oo uu maalmahan-ba booqasho shaqo ku joogay. Waxaanu ka xeeyey Madaxweyuhu mid ka mid ah Baabuurta Ciidanka.

IMG_8053 IMG_8082 IMG_8080 IMG_8081 IMG_8138 IMG_8100 IMG_8094 IMG_8077 IMG_8072 IMG_7934 IMG_7939 IMG_7945 IMG_8029 IMG_7946 IMG_8056IMG_8052

Ciidammada Badda ayaa Madaxweynaha Puntland siiyey salaan-sharaf markii uu gaarey halkaas. Agaasimaha guud ee ciidanka Badda, taliyaha ciidamada badda iyos araakiil kale ayaa Madaxweynaha warbixin ku siiyey xarunta ciidanka.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu dhamaanba ku soo wareegay qaybaha ay ka koobantahay Xaruntaasi,isagoona kulamo la qaatay Masuuliyiinta ugu sareeya Ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Masuuliyinta Ciidanka Badda Puntland PMPF ayaa waxa ay Madaxwaynaha Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku sharfeen Hadiyad ka samaysan Gor-gorka Astaanta u ah UAE.

Booqashada Madaxweynaha ee xatrunta ciidanka Badda ee Puntland, ayaa imaneysa iyada oo madaxweynuhu isu diyaarinaayo safar uu ku tago dalka Imaaraadka carabta halkaas oo uu ka heley casumaad rasmi ah.

Ciidanka Badda ee Puntland waxaa la saaasey xilligii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxaana dhaqaale ka helaan dalal dibedda ah oo uu ka mid yahay Imaaraadka Carabta iyo kuwa kale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland/Somalia.