Madaxweynaha Soomaaliya muxuu ka yidhi Safiirka Maraykanku u soo magacaabayo Muqdisho?

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka dareen celiyey Safiirka Madaxweynaha Maraykanku u soo magacaabo dalka Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 23 sano ah, waxaanu sheegay Xasan Sheekh inuu soo dhawaynayo, isagoo tilmaamay inay taasi ku timi guulaha dawladda uu hoggaamiyo.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MADAXWEYNE OBAMA

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sidaa ku sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya, waxaanu qoraalkaas oo nuqul ka mid ah Xafiiska Aftahannews ee Muqdisho helay u qornaa sida tan:-

“Waxaan ku faraxsanahay in tani ay ku timid guulihii aan ka gaarnay xaqiijinta ammaanka iyo horumarinta dalka. Magacaabidda danjiraha Maraykanka waa mid muujinaysa xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka oo aad u xoogeystay.

Waxaan billownay safar aan Somalia ku gaarsiinayno nabadgalyo iyo barwaaqo. Waxaan rumeysanahay in jidkan dheer uu noosoo dhaweynayo saaxiibbadeen, iyadoo himiladeennu tahay inaan gaarno halka aan higsanayno.

Waxaan xaqiijinayaa in taageerada aan ka helayno saaxiibbadeen ay fududeysay inaan xaqiijinno himilooyinka aan dalkeenna dib ugu dhisayno iyo gaarista aan ku doonayno inaan sannadkan 2016-ka ay dalka doorasho ka dhacdo. Dowladeydu waxay ballan-qaadaysaa inay dhameystirto dastuurka qabyada ah iyo in dalka oo dhan lagu fidiyo federaalkiisimka, si loo gaaro in shacabku ay codkooda u dhiibtaan si xor ah.

Dhammaan ujeeddooyinkaas waa kuwo aan ku doonayno inaan dalkeenna dib ugu dhisno; baarlamaankeennu sidoo kale wuxuu sameeyay horumar weyn, waxaana qorsheynaynaa inaan xoojinno hay’adaheenna dowliga ah, waxaana dadaal ugu jirnaa sidii aan u maareyn lahayn ka faa’iideysiga khayraadkeenna iyo inaan dalka gaarsiinno dowlad-wanaag.” Sidaa ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya soo saaray.

Inkastoo labadan dal aanay waligood xidhiidhka isu jarin, haddana Dawladda Mareykanka ayaa Albaabada u laabay Safaaraddii ay ku lahayd Caasimadda Waddanka Soomaaliya ee Muqdisho sannadkii 1991-kii.

Sannadkii 1993-kii, 18 ka tirsan Ciidammada Millateriga ah ee Mareykanka, ayaa lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya dagaal ay la galeen Ciidammadii uu hoggaaminayey General Maxamed Faarax Caydiid oo ay Maraykanka iyo Xulufadiisu ku duuleen wakhtigaas, taasoo sababtay in Mareykanku uu Ciidammadiisa kala baxo Soomaaliya.

Dawladda Maraykanka, ayaa ahayd dawladdii ugu horreysay ee rasmi u aqoonsata dawladda federraalka ah ee hadda Soomaaliya ka dhisan, ka dib kulan ay magaalada Washington ku wadayeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Maraykanku sannadkii tegay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.