“Wasiir maannaan filayn in adigoo na arkaya ay ilaaladaadu sidaa noo gasho ” Xubno ka cawday Askarta Waran-cadde

Hargeysa(Aftahannews):- Muwaaddiniin reer Somaliland ah oo la kala yidhaahdo C/risaaq Maxamuud Muxumed (Cabdi-Geed) iyo Geelle Cumar Coofle oo ka mid ah Dhalinyarada Xaafadda New-Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyey tacaddi iyo dhibaato ay sheegeen inay kula kaceen ilaalada Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxmaed Waran-cadde, kuwaasoo ay sheegeen dhibaato u geysteen Wasiirkoo arkaya.

ASKARTA WARAN-CADDE AYAA NA DHIBAY

Ugeysteen Ilaalada Wasiir Warancade waqti ay maraayeen waddada u leexata Guriga Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mr. Cali Warancade, Muwaadiniintan ka cabanaaya ilaalada Wasiirka Muwaadin C/risaaq Maxamuud Muxumed (Cabdi Geed) oo ugu horeyn ka hadlay sida arintani u dhacday ayaa waxa uu yidhi; “Maantaabaaro 2:30 annaga oo marayna waddada hor marta guriga Wasiir Waran-cadde waxa qori nagu qabtay nin labbisan direyska Ciidanka Booliska daqiiqado ka dib ayaa annaga oo aad uga argagaxnay qoriga nalagu hayo ayaa waxa haddana lagu horgooyey gaadhiga ilaalada Wasiirka waxa iyana kasoo degay Askar kale waxanay nagu hool-gareeyeen qoryo kale waxaana sinaxariis-darro ah nalooga soo jiiday inta nalaga furay daaqadaha gaadhigii aannu saarnayn. Markaa, waxaannu aad ula yaabnay waxaannu ku galabsannay haddigaadda intaa le’eg ee baahsan.”

C/risaaq Maxamuud Muxumed (Cabdi-Geed), ayaa waxa farriin u diray Wasiirka arrimaha gudaha waxaanu yidhi; “Wasiir Maanta maannaan kaa filayn annagoo ah dhalinyaradii Xaafadda ee aad garanaysay in adiga oo arkaaya ilaaladaadu ay hortaada nagu haddiddo, isla markaana naftayada halis geliyaan annagoon waxba galabsan.”

Sidoo kale, Geelle Cumar Coofle oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay Golaha Deegaanka Hargeysa ee Ururka Xaqsoor, isla markaana ah wadihii gaadhiga falku ku dhacay, ayaa isagoo arrimahaas ka warramaya waxa uu yidhi; “Wasiir waxaan aad uga xumahay in Askarta ku ilaalinaysaa ay hortaada nagu haddiddo oo ay gaadhigaygana ku burburiso qoryana nagu qabtaan.”

Maaha markii ugu horeysay ee ay Bulshada degan caasimadu ka cawdaan ilaalada Masuuliyiinta dawladda marka ay waddooyinka marayaan, balse waa markii ugu horreysay ee ay dhacdadan sameeyaan Askarta ilaalada u ah Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Weriye Miyir Cali Xuseen              

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.