Itoobiya oo sheegtay inay fashilay Soomaali rabay inuu isku qarxiyo goob Addis Ababa ah

Addis Ababa(Aftahannews):- Hay’adda ammaanka ee la-dagaallanka argagixisada u qaabbilsan dawladda Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday inay fashilisay, isla markaana gacanta ku dhigtay Nin Soomaali ah oo doonayey sida ay sheegtay inuu isku qarxiyo goob ka tirsan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalkaas.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Ciidammada La-dagaallanka argaggixisada Itoobiya, waxaanu qoraalku intaas ku daray in ninkaasi uu ka tirsan yahay Malleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana xilliga la qabtay uu doonayay inuu isku qarxiyo meel ka mid ah magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Ciidammada la-dagaallanka argaggixisada Itoobiya may shaacin magaca ruuxaas ay qabteen iyo warbixinno intaas ka badan, hase ahaatee waxaa warkaan lagu sheegay in ciidanka amnigu ay gacanta ku hayaan ruuxan ayna su’aalo weydiinayaan.

Waxaa kalo ay sheegen ciidamada la dagaalanka argagaxisada inay hayaan xooggo ku aadan in Al-shabaab ay maleegeen dhowr weerar oo ay magaaladda Addis Ababa ka geystaan muddo todobaad ah.

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya ayaa horey u sheegtey inay qaraxyo ka geysan doonan dalalka ay Soomaaliya ciidamada ka joogan oo ay Itoobiya ka mid tahay.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.