Madaxweyne Siilaanyo oo lagala baqay furitaanka Garoonka Kubbadda Cagta ee Xawaadle

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa lagala baqay Garoonka Kubbadda Cagta Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa oo marka hore qorshuhu ahaa inuu Khamiista Berri xadhigga ka jaro Madaxweynuhu, balse dib loogu dhigay xaaladda Siyaasadeed ee kala qaybisay Xisbil-xaakimka KULMIYE awgeed.

Munaasibad loo ballansanaa in lagu furo Garoonka Kubbadda Cagta Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, Khamiista Berri, ayaa dib loogu dhigay sababo la xidhiidha khilaafka Siyaasadeed ee xilligan ka dhex aloosan Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa maanta Warbaahinta soo mariyey War-gelin kooban oo uu ku shaacinayey dib u dhac ku yimi furitaankii Garoonkaas oo Marti-qaadka Munaasibadda lagu furi lahaa hore loo qaybiyey.

“Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) wuxu ku wargelinayaa shacabka reer Hargeysa iyo dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonka Xawaadle oo maalinta Khamiista ku beegneyd (5/june/2015) in muddo toban cisho ah dib loo dhigay, ka dib hawlo shaqo oo ku soo beegmay, sidaa darteed waxa uu Maayarku dadkii uu gaadhay martiqaadka furitaanka garoonkaasi iyo dadkii kalaba ka cudur daaranayaa inay raali ka noqdaan dib u dhaca ku yimid arrimo shaqo awgeed.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal kooban oo Warbaahinta loo qaybiyey oo lagu sheegay in Maayerku ku shaaciyey dib-u-dhaca furitaanka Garoonkaas.

Hase-yeeshee, Wargeyska Jamhuuriya oo Caawa khadka taleefanka kula xidhiidhay Maayerka Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelko, waxa uu u sheegay sida lagu baahiyey Bogga Internet-ka ee Jamhuuriyamedia.com in xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan awgeed dib loogu dhigay furitaankii Garoonka Xawaadle.

Maayerka Caasimadda Hargeysa oo ka jawaabayey su’aasha ay Jamhuuriyada dib-u-dhigista furita Garoonka ka weydiisay waxa uu yidhi; “Waxaan ku wargelinayaa dhammaan Madaxda Qaranka iyo Marti-sharafta lagu casuumay ka-qaybgalka Xafladdii furitaanka Garoonka Xawaadle ee Berri Khamiista in aannu dib u dhignay muddo 10 maalmood ah, arrimo ku saabsan marxaladda Siyaasadeed ee waqtigan dalku ku jiro darteed.” ayuu yidhi Maayer Soltelco.”

Dib-u-dhiska garoonka Xawaadle waxa maal-gelintiisa iska kaashaday dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadweynaha xaafaddaas, iyadoo lagu wareejiyay deyr dhammaystiran, sidoo kalena laga guray dhagxaan waaweyn oo ku aasnaa gegeda kubbadda lagu ciyaaro.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.