“Caqabado ayaa naga haysta meelaha aan Al-shabaab kala wareegnay & Khilaafka dawladda” Danjire Aanadiif

Muqdisho(Aftahannews):- Ergayga Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Saalax Aandiif, ayaa shaaca ka qaaday inay hawlgalka Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM u joogaan Soomaaliya ay caqbadi ka haysato khilaafyada soo noqnoqda ee Masuuliyiinta dawladda hadba xilka haysa, waxaanu sidoo kale caddeeyey inay caqabado kala duwan kala kulmaan magaalooyinka ay ka qabsadaan Malleeshiyada Al-Shabaab.

2014214635279562352060205Danjire_Anaadiif_AU_Envoy_Somalia

Danjiraha Midawga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Maxamed Saalax, waxa uu ammaanay Ciidammada dawladda Jabuuti ka jooga Soomaaliya oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM, kuwaasoo uu sheegay inay hawlgallo fiican qabteen, waxaanu xusay inay tayo fiican leeyihiin, balse ay tiradoodu yar tahay.

Maxamed Saalax Aanadiif, waxa uu sidaa kus heegay war uu maanta siiyey Idaacadda BBC-da, isaga oo tilmaamaya caqabadaha hawlgalladooda haystana waxa uu yidhi; “Caqabado ayaa naga haysta magaalooyinkii aan kala wareegtay Al-shabaab; kuwaasoo ay ka mid tahay inay Al-shabaab magaalooyinkaas ka jareen korontadii, dadkii ku noolaana ay ka barakaceen.”

“Waxaa naga go’an inaan dalka oo dhan ka dhigno amni inta aan la gaarin doorashooyinka la doonayo in Soomaaliya laga qabto sannadka 2016, balse aysan suuro-geli karin haddii aanay shacabka Soomaaliyeed gacan ka helin.” Sidaa ayuu yidhi Aanadiif.

Waxaanu Ergayga Midawga Afrika ee Soomaaliya oo hadlakiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi;  Ciidamada AMISOM waxay dalka ka baxayaan Soomaaliya sannad kaddib marka la doorto madaxweynaha cusub ee Somalia 2016-ka, intaas inta ka horreysana looga bahaan yahay dowladda Soomaaliya inay dhisto ciidamadeeda.”

Wakiilka Midawga Afrika ee AMISOM u fadhiya Soomaaliya waxa kale oo uu sheegay in dhawaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada dhexe la geyn doono Ciidammo isku dhaf ah oo ay ka mid yihiin kuwa Kenya iyo Sierra Leone, kuwaasoo uu sheegay inay ammaanka gobollada Jubbooyinka si deg-deg ah wax uga qaban doonaan marka la geeya-ba, hase-yeeshee, waxa uu sheegay inay dhibaato ka haysato khilaafyada siyaasadeed ee soo noqnoqda ee marka mudda la joogaba ka dhex-qarxaya Masuuliyiinta ugu sarraysa ee dawladda Soomaaliya ee kolba maalintaas jooga.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.