Obama oo markii ugu horreysay Safiir u magacaabanaya Soomaaliya

Washington(Aftahannews):- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa la filayaa inuu dhaqso u soo magacaabo Safiirkiisii ugu horreeyay ee u metela dalka Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii oo ugu dambaysay Safiir Maraykanka u fadhiista Muqdisho.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee dhinaca Siyaasadda Wendy Sherman, ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay muujinayso xiriirka qotada dheer ee mareykanka uu la leeyahay Soomaaliya iyo kalsoonida ah in mustaqbal wanaagsan uu ka horreeyo dalka Soomaaliya.

Inkastoo labadan dal aanay waligood xidhiidhka isu jarin, haddana Mareykanka ayaa Albaabada u laabay Safaaraddii uu ku lahaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sannadkii 1991-kii.

Sannadkii 1993-kii, 18 ka tirsan Ciidammada Millateriga ah ee Mareykanka, ayaa lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya dagaal ay la galeen Ciidammadii uu hoggaaminayey General Maxamed Faarax Caydiid oo ay Maraykanka iyo Xulufadiisu ku duuleen wakhtigaas, taasoo sababtay in Mareykanku uu Ciidammadiisa kala baxo Soomaaliya.

Dawladda Maraykanka, ayaa ahayd dawladdii ugu horreysay ee rasmi u aqoonsata dawladda federraalka ah ee hadda Soomaaliya ka dhisan, ka dib kulan ay magaalada Washington ku wadayeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Maraykanku sannadkii tegay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.