Nuxurka kulan dhexmaray Salaaddiinta Beelaha Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi

Qodobadda ay ka wadahadleen madax-dhaqameedka labada dhinac oo salaadiinta guud kala hoggaaminayeen + kulan ergada guurtidu la yeesheen garabka KULMIYE ee madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Madax-dhaqameedka beelaha ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo waqtigan uu u dhexeeyo khilaaf laba garab u kala qaybiyey xisbigooda, ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay shalay magaalada Hargeysa.

Labada Suldaan Guud: Suldaanka guud ee Subeer Awla Suldaan Xasan iyo Suldaanka guud ee Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi

Kulankan oo ahaa mid gogoshadiisa ay lahaayeen madax-dhaqameedka beesha Guddoomiye Muuse (Habar Awal) oo isugu jiray qado iyo fadhi qayilaad ah oo ka dhacay guriga salaadiinta Subeer Awal, ayaa la sheegay inay labada dhinac kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex aloosan xisbal-xaakimka KULMIYE iyo is-xulufaysiga dhinaca siyaasadda ah ee u dhexeeyey labada beelood.

Labada Suldaan Guud: Suldaanka guud ee Subeer Awla Suldaan Xasan iyo Suldaanka guud ee Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi

Suldaanka guud ee Subeer Awla Suldaan Xasan iyo Suldaanka guud ee Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi

Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo aan loo ogolaan warbaahinta, ayaa sida ilo-wareedyo xogogaal u ahaa u sheegeen Jamhuuriya xalay, waxa dhinaca gogosha bixiyey uga qaybgalay sagaal suldaan oo uu hormood u ahaa Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, halka madaxdhaqameedka la casuumay ee beesha Madaxweynaha ay joogeen siddeed oday oo isugu jira salaadiin iyo cuqaal uu hoggaaminayey Suldaanka guud ee beesha bariga Burco (Habarjeclo) Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali.

 

Warku waxa uu sheegay in labada dhinac si weyn uga wadahadleen khilaafka xisbiga KULMIYE u kala qaybiyey labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse iyo siyaabaha loo xallin karo, iyadoo la sheegay in madaxdhaqameeda Guddoomiyaha KULMIYE badka soo dhigeen heshiis la sheegay inuu hore u dhexmaray madaxdhaqameedka labada beelood waqtigii xisbigu ahaa mucaaradka, kaasi oo nuxurkiisu la xidhiidhay in si isku xigta shan sannoba beel loo dhiso madaxtinimada waddanka.

Dhinaca kale, madaxdhaqameedka beesha Madaxweynaha ayaa sida xogtu tibaaxday iyaguna sheegay in aanay waxba iska beddelin heshiiskaas iyo isbahaysigii siyaasadeed ee ka dhexeeyey labada beelood, isla markaana ay diyaar u yihiin fulinteeda.

Waxa kale oo ilaha warka Jamhuuriya ka soo xigtay sheegeen in madaxdhaqameedka beesha Madaxweynuhu u soo jeedisay salaadiinta beesha Guddoomiyaha KULMIYE inay masuuliyad iska saaraan dejinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka xisbiga gudihiisa ka taagan.

Gabogabadii shirka waxa labada dhinac isla qaateen inay kulan labaad yeeshaan horraanta toddobaadka soo socda, kaas oo gogoshiisa ay dhigi doonaan salaadiinta beesha bariga Burco.

Dhinaca kale, ergada guurtida ah ee hormuudka u yahay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa kulan dhegaysi ah la yeeshay garabka Madaxweyne Siilaanyo ee xisbiga KULMIYE, iyadoo kulankaasna ay ergada Guurtida ah ku horfadhiisteen madaxweynaha iyo xubno ka mid masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee la safan, taageersana murrashaxnimadiisa marka labaad.

Lama oga waxyaabaha kulankaas lagaga hadlay iyo garnaqsiga garabka madaxweynuhu u gudbiyeen guurtida, iyadoo ergadaasi kulan noocan oo kale ah la yeesheen garabka Muuse Biixi ee xisbiga KULMIYE maalintii Isniinta, kuwaasoo la filayo inay go’aan ka soo saaraan khilaafka KULMIYE, maadaama ay labada garab dhegaysteen.

Xigasho Jamhuuriya.