Kenya oo Amar ku bixisay in Albaabbada loo Laabo Xeryaha Qaxoontiga dalkeeda

 Nairobi(Somalilandtoday):- Xukuumadda Kenya, ayaa markii ugu horreysay amar rasmi ah ku bixisay in dhammaan Xeryaha qaxoontiga dalkeeda ku yaalla si toos ah Albaabbada loogu laabo, isla markaana dadka qaxoontiga ah ee Xeryahaa ku jira dib loogu celiyo waddammadii ay ka soo barakaceen.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku, ayaa amar ku bixiyay in la xidho dhammaan Xeryaha ay ku jiraan qoxoontiga ee ku yaalla dalka Kenya, isagoo sheegay in qoxoontiga ku jira Xeryahaan dib loogu celiyo dalalkooda. Waxaanu Wasiirku dhammaan Hay’adaha caawiya qoxoontiga ee ku sugan Kenya ugu baaqay inay howshooda u wareejiyaan deegaannada nabdoon ee Soomaaliya, maaddaama oo qaxoontiga Xeryaha Kenya ku jiraa u badan yihiin Soomaali, waxaanu sheegay in Xukuumaddiisu ay billaabayso dib-u-celinta qoxoontiga Soomaalida ah.

“Dhammaan kaamamka ay ku jiraan qoxoontiga waa la xidhayaa, go’aankaasna waa mid hore loo gaadhay.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Lenku oo hadalkaa sheegay xilli uu booqasho ku tagay kaamam ku yaalla deegaannada Dhadhabaab ee ay ku jiraan qoxoontiga Soomaalida ah.

Wasiirku wuxuu wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dood qaar ka mid ah qoxoontiga Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Kenya oo ah inaanay weli ka jirin Soomaaliya nabad, isagoo sheegay in Ciidammada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo Hay’adaha gargaarka ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

“Hay’adaha waxaan ugu baaqaynaa inay billaabaan barnaamij ku aaddan in deeggaannada nabdoon ee Soomaaliya dib loogu celiyo qoxoontiga.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya.

Dalka Kenya, waxaa ku sugan in ka badan hal Milyan oo qaxoonti ah, kuwaasoo u dhashay dalka Soomaaliya, waxaana Xukuumadaha Kenya iyo Soomaaliya ay dhawaan ku heshiiyeen in qaxoontigaas dib loogu celiyo dalka Soomaaliya, inkastoo la sheegay in qoxoontiga ay tahay inay iyagu si iskood ah u dalbadaan dib-u-celinta.

Booqashada Linku uu ku tagay Xeryaha Qaxoontiga waxaa ku wehlinayay Xildhibaan Yuusuf Xaaji, Madaxa UNCHR ee Kenya, Elike Segbor, Guddoomiyaha degmada Gaarisa Nadiif Jaamac iyo Xubno kale.

Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, ayaa wuxuu daba socdaan hadallo uu dhowr jeer Warbaahinta u siiyay, kuwaasoo ku aaddan in dib loogu celiyo qaxoontiga Soomaalida ah dalkooda, lana xidho Xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.