Sababta loo dilay Dad badan oo lagu laayay Waddanka Nigeria

Borno(Aftahannews):- Idaacadda BBCda ayaa waxa ay ogaatay in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Boko Xaraam ay ku dileen tobaneeyo qof weerraro taxane ah oo ay ku qaadeen tuulooyin ku yaal meelo fogfog oo ka tirsan gobolka Borno.

Sida aannu ka soo xigannay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo Warkan baahisa, waxaa laga joogaa 50 maalmood tan iyo markii kooxda hubeysan ee Boko Xaraam ay ka afduubteen 200 oo gabdhood oo iskuuleey ah waqooyi bari ee dalka Nigeria, ilaa iyo haatanna ma ay cadda halka ay ku dambeeyeen gabdhahaasi.

Dadka degan tuulada Attagara ee ku taalla meel u dhaw xuduuda waddanka Cameron, ayaa sheegay in rag ku labisan dareeska militariga oo ku yimid gawaari ay dadka ugu yeereen inay isugu yimaadaan goob kaniisad ah oo halkaa ku taal.

Dadku waxa ay u malaynayeen in ay ka tirsan yihiin ciidammada Nigeria oo ay halkaa u yimaadeen in ay iyaga ilaaliyaan.

Waxa ay ogaadeen oo kaliya in ragaasi ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada kooxda Boko Xaraam, markii ay rasaas ku fureen dadkii halkaa isugu yimid.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaankaasi, Peter Biye, ayaa BBCda u xaqiijiyay weerarka waxa uuna sheegay in dad halkaa lagu dilay guryo bandanna lagu gubay shan tuulo oo aaga ku yaal.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in dhowr janaraal oo ka tirsan militariga Nigeria ay maxkamadda xukunka degdeg ah ee militariga ay ku heshay dambi ah inay gacan siinayeen kooxda Boko Xaraam.

Afhayeenka wasiirka difaaca ayaa diiday in la maxkamadeeyay cid ka tirsan janaraalada militariga.

Hasayeeshee wasiirka arrimaha gudaha, Abba Moro, ayaa sheegay in ay war wanaagsan aheyd in madax sare oo militari ah ay aqoonsadeen askarta carqaladeynaysa dagaalka lagula jiro fallaagada. Waxa uuna sheegay in tani ay farriin adag ay u dirayso ciidammada kale ee Nigeria.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.