Madaxweynaha oo ka muquurtay Xuska Xasuuqii Shacabka Somaliland

“Waa Munaasibadii ay ahayd Madaxweynaha laftiisu inuu joogo, in Guddoomiyaha Baarlamaanku joogo, in Madaxda Axsaabtu joogto, in Culimada iyo inta Mudani ay joogto…” Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Guddiga Baadhista Xasuuqu waxay u baahan tahay taageero iyo awood ay ku gaadho helitaanka xogo badan oo muhiim ah iyo inay Maxkamad caddaalad ah hor-geyso ciddii Xasuuqa Shacabka geysatay..” Guddoomiyaha Guddiga Baadhista Xasuuqa

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Caddaaladda, Siyaasiyiin ka socda Xisbiyada Qaranka, Guddiga baadhista Xasuuqa iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, ayaa ka qaybgalay Munaasibad lagu xusayey maalinta loo aqoonsaday Maalinta Xasuuqa Shacabka Somaliland uu kula kacay Taliskii Millateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo loo aqoonsaday 3-da Bisha June.

Masuuliyiinta sare ee dawladda Somaliland ee Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Baarlamaanka, ayaa ka muquurtay oo aan iyagu ka qaybgelin Munaasibadda loo sameeyey Maalinta Xasuuqa Shacabka Somaliland ee 3-ada June oo xalay lagu qabtay Huteel Adem’s in ee magaalada Hargeysa, waxa Munaasibaddaas xalay loogu duceeyey dadkii sida Isir-gumaadka ah uu Taliskii Siyaad Barre u geystay, waxaana halkaas lagu soo bandhigay Muuqaallo muujinaya Xasuuqaas.

Guddoomiyaha Guddiga Baadhista Xasuuqa Somaliland Khadar Axmed Like, oo furitaankii Munaasibaddaas Maalinta Somaliland u aqoonsatay Maalinta Xasuuqii Shacabkeeda, ayaa sheegay in dad aan waxay geysteen jirin, isla markaana sabab alla sabab loo aanaynayo xasuuqooda oo aan ahayn Isir-gumaad aanay jirin, dadkaas oo lixdan kun ka badan sida uu sheegay in dadkii ugu badnaa la xasuuqay 3-dii Jun sannadkii 1988-kii.

“Sababa maalintan 3-da June loogu asteeyey Maalinta Xasuuqa Somaliland, kolkii Guddigani dad badan ay waraysteen ay u qaateen inay ahayd maalintii dadkii ugu badnaa la xasuuqay, inkasta oo aan weli tiradooda rasmiga ah la hubin haddana lagu qiyaaso konton kun illaa lixdan kun, laga-se badinayo, maalintii ay yidhaahdeen way ugu tirada badnayd intii dad la laayey ee la toogtay maalintan oo keliya, ayay tahay sababta loogu asteeyey maalinta Xasuuqa.” Sidaa ayuu yidhi Khadar Axmed Like.

Waxa uu Khadar Axmed Like sheegay inay hayaan caddaymo badan oo la xidhiidha sidii Xasuuqa Ciidanka Taliskii Millateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre u geystay dadweynaha reer Somalilad, kuwaasoo isugu jira Muuqaallo duuban, Dhukamantiyo qoran iyo dad goob-joogayaal ahaa oo qaarkood Illaahay ka sabato-saaray in la-laayo, balse ay ku jireen dadka la ururiyey ee la xasuuqay, isagoo xusay inay Guddi ahaan weli ay u socoto baadhistu, siina wadayaan inta ay helayaan Maxkamad caddaaladda qaadda oo heer caalami ah. Waxaanu ka warramay inay heleen Xabaalo-wadareedyo kala duwan oo la soo faqay qalfoofka dadkii lagu xasuuqay oo ay Dhakhaatiir caalami ahi baadhitaan ku sameeyeen. Waxanau sheegay inay muhiim tahay inay Guddigu awood iyo taageero u hesho sii wadista hawsha culus ee ay Masuulka ka tahay Guddiga baadhista Xasuuqu.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay muhiim tahay maalinta loo cayimay maalinta Xasuuqa ee 3-da June. “Sababtaynu u goosannay waxay ku xidhan tahay inteeda badan waa xasuuqii, wixii inna gaadhay iyo wixii la innaga dhacay. Kolkaa in Maalintan la weyneeyo oo waxay mudan tahay la siiyo ayaa muhiim ah. Waxa kale oo jira, dadkii laga dhintay, ubadkii iyo eheladii laga dhintay xusuusta la xauusanayo dadkoodii la xasuuqay iyo Faataxada loo maraa wax weyn bay u tahay, inaynu si Islaamnimo ah ugu tukanno (Lafaha Xasuuqa) oo u xabaalno wax weyn bay u tahay, haddii la waayo intaa waxay saamaynaysaa illaa Ciidammadeenna oo nin waliba wuxu is-odhanayaa maxaad u dhimanaysaa.”

Waxa uu Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Waa waajib inna saaran, dadkani waxay u dhinteen waa waxaa aan maanta dalka ku joogno, waa waxaa Madaxweynaha lagu yahay, waa waxaa Wasiirka lagu yahay, waa waxaa aynu xorriyadda ku haysanno, arrimahaas ayay dadkani u dhinteen in la xuso oo la xasuuto oo taariikhda ay galaan waa muhiim. Waa nasiib-darro inay dawladeheennu maaha tan uun ee dawladeheennu inay yaraystaan oo ay arrimahan dhayalsadaan maaha.”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Xukuumadda ka socda ee Kulankaa lagu xusayey Maalinta Xasuuqa Shacabka Somaliland xalay ka hadlay, ayaa sheegay inay Taariikhdu muhiim tahay. “Waxaan xusaynaa Bog taariikhdeenna ka mid ah oo Bog madoow ah, Ummad waliba waxay xustaa taariikhdeeda, taariikhdu maxay tahay baa markaas isweydiin leh? Taariikhdu waa dhacdooyin la ururiyey oo aan caadi ahayn, nolol maalmeed-ka caadiga ahi inta badan taariikhda ma galaan, taariikhda waxa gala waxa saameeya nolosha caadiga ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad,

Waxa Wasiirka Qorshayntu sheegay in dhacdooyinka taariikhiga ah ay ka mid noqon karaan dagaallo, masiibooyin dabeeci ah, halgan ummadi gashay oo ay ku guulaysteen, dhibaato cadaw u geystay iyo waxyaabaha la hal-maala sida Xasuuq iyo wixii la mid ah. Waxa uu u soo jeediyey Guddiga baadhista Xasuuqa inay sii wadaan dedaalkooda iyo xog-ururinta ay wadaan, maaddaama oo dadkii xaqiiqada hayey maalinba maalinta ka dambaysa ay sii yaraanayaan, xogta la hayana la qoro oo Buugaag laga soo saaro, in Manhajka waxbarashada dalka lagu daro iyo inaan laga daalin sii wadista dedaalkaas.

“Innagu Munaasibad baynu halkan u fadhinaa aynu ku xusayno boggeennaa madoobaa ee taariikhdeenna, waxaynu u xusaynaa ee aynu munaasibaddan u dhigaynaa inaynu xasuusnaanno oo aan la illaabin wixii dhacay, inaan la ilaabin kuwii ku geeriyooday, inaan la illaabin kuwii ka dhiidhiyey, inaan la illaawin kuwii sababay, waxaynu u dhigaynaa inaynu ku baraarujinno intii aan joogin maalintaas, waxaynu u dhigeynaa inaanay tiiyoo kale innagu soo noqon, waxaynu u dhigaynaa inaynu ku garnaqsanno, waxaynu u dhigaynaa inaynu caddaalad ku sugno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in qiimaha uu xuska maalintani leeyahay ay ahayd inay Masuuliyiinta sare ee dawladdu ka soo qaybgalaan, waxaanu yidhi; “Waxa laga dhawaajiyey inay Maalintani tahay in intan laga weyneeyo, waa Munaasibadii runtii ay ahayd Madaxweynaha laftiisu inuu joogo, in Guddoomiyaha Baarlamaanku joogo, in Madaxda Axsaabtu joogto, in Culimadu joogto iyo in inta mudani joogto ayay ahayd maanta qiimaha ay leedahay, waayo? Xasuuqaasi waaka keenay in Qori la Qaato, in halgan la galo, in xornimadeennii aynu la soo noqonno, in dawlad aynu leenahay aynu dhisanno, waa aasaaska jiritaankeenna runtii, markaa waa munaasibad u baahan in la xoojiyo oo la qiimeeyo.”

Gebo-gabadii Munaasibaddaas waxa hadal ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu ka sheekeeyey taariikh dheer oo la xidhiidha halgankii SNM gashay iyo Xasuuqa Taliskii Maxamed Siyaad Barre u geystay shacabka Somaliland oo uu sheegay in uu si naxariis-darro iyo caddaalad-darro ah ula dhaqmay dadka degganaa gobolladii Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland.

“Runtii waxaynu xusaynaa Maalin ummadda Somaliland meelkasta oo ay markaa joogtay-ba intii markaa jirtay ay aad u dareensan yihiin, waa saddexda bisha June oo lagu calaamadiyey 1988-kii, maalintaas 3-dii June 1988-kii waxay ahayd maalin Jimce ah, waa Jimcihii xigay Jimcihii SNM soo gashay magaalada Burco oo ahayd 27 May oo ahayd Jimce, labadaa Jimce waxa u dhexeeyey dhacdooyin waawayn oo ay ka mid ahayd qabsashadii ay SNM qabsatay Saldhiggii 12-aad ee Cadaadlay. Waxa ku xigtay soo-gelistii magaalada Hargeysa oo iyana 31-kii May noqonaysay, toddobaadkaasi wuxu ahaa wiig gariir badani dhacay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul-ka-saarka Qaranka Jamaal Caydiid Ibraahin, Saleebaan Ibraahin Bullaale (Saleebaan-Xuquuq) oo ku hadlayey Afka Ururrada Xuquuqda Aadamaha u dhaq-dhaqaaqa ee Somaliland iyo Xoghayaha Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo dhammaantood muujiyey muhiimadda maalintan iyo murugada xusuusteeda.

Xigasho Wargeyska Himilo.