Hal qof oo ku geeriyooday iyo dad tiro badan oo ku dhaawacmay isku-dhac laba Baabuur

Hargeysa(Aftahannews):- Hal qof ayaa ku geeriyooday, 28 ruux oo kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii laba Baabuur isku galeen deegaanka Uubaale ee duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa meel aan Madaarka Cigaal ka durugsanayn.

Allaah ha u naxariistee qofka geeriyooday ayaa ah Haweenay sida ay Dhakhaatiirta Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa u xaqiijiyeen Weriye Aftahannews ka tirsan oo booqday Cusbitaalka, waxaanay sidoo kale Dhakhaatiirtu Weriyaha Aftahan u sheegeen in 28 qof oo dhaawac ah la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka, kuwaasoo ay dawayntooda ku hawlan yihiin.

Shilkan ayaa ka dhashay markii ay isku dhacaeen laba Gaadhi oo noocooda lagu sheegay kuwa Dhaynayaasha loo yaqaanno (Dayna), kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwa Caanaha keena magaalada ee gelinka dambe ka baxa magaalada Hargeysa.

Dhakhaatiirta gacanta ku hayey hawsha la-tacaalidda Caafimaad ee dhaawacyada la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa ka cudur-daartay inuu dhaawacyada wax Sawirro ah ka qaado Weriyaha Aftahannews ka tirsan ee Cusbitaalka booqday.

aftahaninc@gmail.com            

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.