“Argaggixisada howlaha dowladda looma joojin doono” Raysal wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta khudbad ka jeediyay kulan gaar ah oo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho, kaasoo looga hadlay weerarkii khasaaraha geystay ee ay Al-shabaab ku qaadday baarlamaanka.

Cabdi-Weli-Sheekh-A

201463635373961730437128BR3 (1)

201463635373960119050778BR2

Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbadda uu ka jeediyey kulankaas Barlamaanka ee lagu xasuusanayey Ciidammadii geesiyaasha ahaa ee fashiliyey weerarkii argagixisada ee Barlamaanka la doonayey in lagu dhibaateeyo 24-kii bishii hore, ayaa sheegay inaanay dawladdu shaqada iyo adeegyada bulshada ee ay waddo u joojin doonin hujuun kasta iyo farriimaha argagixisada kaga imanaya.

Waxaanay Khudbadda Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ka jeediyey kulankaas oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews Xafiiskiisa Muqdisho u dhignaa sidan:- 

“Mudane Madaxweyne

Mudane Gudoomiye,

Xildhibaannada sharafta leh,

Warbaahinta iyo dhammaan marti sharafta kale,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf ii ah in aan mar sadexaad hortiina soo istaago anigoo maanta xambaarsan dareen ka duwan kii aan idiinla hor imid labadii jeer ee hore, dareenkaas oo ah in aan idiinla qaybsado shucuurtiina geesinimada leh ee aad ku wajahdeen weerarkii fulaynimada ahaa ee kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab ku soo qaadeen xaruntan Barlamaanka ee sharafta badan, Xildhibaanada, warbaahinta iyo marti sharaftii ku sugnaydba.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waa ognahay dhammaanteen ahamiyadda ay xildhibaanada iyo Baarlamaanku u leeyihiin waddanka Soomaaliya, waa haya’adda haddii khalkhal galo uu saamaynayo dhammaan waddanka oo dhan.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Soomaaliya waxaan hortiina ammaan iyo bogaadin uga dirayaa Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo in kasta oo khasaarooyin dhaceen (dhimasho iyo dhaawacba) aan dhihi karo waxay fashiyeen 95% ku talo galkii weerarkaas fulaynimada ah, sidoo kalena waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaskii, qaraabadii iyo asxaabtii Ciidamadii naftooda u huray difaaca Xildhibaanada iyo xaruntan Barlamaanka. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Jano ka waraabiyo intii ku dhimatay, caafimaad deg deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Weerarkii lagu soo qaaday xarunta Barlamaanka Soomaaliyeed wuxuu u qorshaysnaa oo laga lahaa ujeedooyin la mid ah kuwii laga lahaa weeraradii argagixiso ee horay loogu qaaday xarumaha dawladda iyo xarumo muhiim ah sida Xarunta Westgate ee dalka aan deriska iyo walaalaha nahay ee Kenya. Wuxuu ku talogalku ahaa in ay xarunta qabsadaan oo maalmo haystaan kuna laayaan ama ku qafaashaan Xildhibaanada iyo marti-sharaftii kale ee ku sugnaa, taasoo hadii ay dhici lahayd qaranka ku noqon lahayd weji-gabax, qalbi jab iyo boog weyn oo aan laga soo kabsan karin, hase ahaatee Ilaahay mahadii ma guulaysan shirqoolkaasi oo waa la fashiliyay, waxaana difaacay oo waqti kooban lagulaayey dhamaan argagixisadii weerarka soo qaaday isla markaana joojiyey gurmad ay filayeen argagixisadu ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed.

Dhacdaasi waxay ahayd farriin ay soo direen nabad diidku, innaguna maanta waxaan diraynaa farriin tooda ka adag oo oranaysa ”marna hawlaha aan qaranka u hayno u joojin mayno farriimaha gurracan ee ay nabad diidku soo dirayaan”

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xukuumad ahaan waxaanu ka xunahay in kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab haweystaan oo isku dayaan in ay soo gaaraan oo hakiyaan hawlihii qaranka ee markii weerarku dhacayey ka socday xaruntan qaaliga ah ee Golaha Shacabka.

Waxaanu ballan qaadaynaa in aan gacan bir ah ku qaban doono oo baabi’in doono argaxisisada nabad diidka ah. Xukuumaduna iyadoo dareenkaas ka jawaabaysa waxaa is casiley Wasiirkii Amniga Qaranka Mudane Cabdikariim Xasan Guuleed, waxaana noo qorshaysan talaabooyin kale oo lagu dardargelinayo hawlaha qaranka ee laguna xaqiijinayo amniga guud iyo gaar ahaan kan xarumaha muhiimka ah iyo waliba sugiadda amniga shacabkeena qaaliga ah ee Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan hubaa inaad dhammaantiin ama qofkasta oo wadani ahi iswaydiinayo waxa aan qabanay kadib dhacdadii foosha xumayd oo muragada lahayd ay dhacday. Waadna ogtihiin cimriga ay xukuumaddu jirto ee ah 5 bilood iyo caqabadaha horyaal

1. Waxaan samaynay gargaar deg-deg ah oo loogu gurmanayo dhammaan wadaniyiintii Soomaaliyeed ee wax ku noqday weerarkaas

2. Waxaan u qaadnay waddanka Turkiga xildhibaanadii iyo askartii dhaawacoodu cuslaa ee takhaatiirtu ku taliyeen in dibadda loo qaado.

3. Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaan u magacaabay inuu sii hayo xilkii wasiirka Amniga Qaranka si aan mugdi iyo daldalool usoo dhex gelin arrimaha amniga

4. Haya’daha amniga ayaan waxaan galinay heegan joogto ah Waxaa intaas dheer inaan qorshayaashii amniga ee aan horay u dejinay aan dardar gelino sida qorshihii qaabka sugidda amniga masuuliyiinta dawladda iyo goobaha dawladda

Mudane Guddoomye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Kuligiin xogogaal baa u tihiin in fikirka xagjirka ah ee Alqaacidda iyo ururadda la-halmaalaa yahay fikir ka yaabiyey adduunka oo dhan oo aan waxba reebayn, waa fikir bahalnimo ah oo ay fulinayeen dad sumaysan oo isdilaya isla markaasna dilaya birmageydada sida caruurta, haweenka, waayeelka, iyo dhammaan cidkasta oo waddanka wax ku ool u ah

Waad ogtihiin in ay weeraro ku qaadeen goobaha aduunka ugu amaanka adag iyo dawladdo leh awood ciidan iyo mid technologiyo oo aad ugu saraysa tan dawladeena, dalkoodana aanay haysan qaybo ka mid ah Alqaaciddo. Markaas inta dalkeena ay joogaan dambiilayaasha Alqaacida iyo Alshabaab weynu fili karnaa in ay inoo maleegayaan shirqoolo iyo weeraro la mid ah kuwii ay horay inoo ku soo qaadeen waxaynuna kaga hortegi karnaa midnimo iyo wadashaqayn buuxda oo ay yeeshaan hay’adaha dawladda (Barlamaanka, Madaxtooyada, Xukuumada iyo Garsoorka) iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa xusid mudan inaan idin la socodsiiyo in bilihii la soo dhaafay ay Ciidamada qalabka sida oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u geysteen nabad diidka Alshabaab jab iyo halaag, waxaa si ka-fool-ka-fool ah ama si gaadmo iyo sirdoon ah looga dilay boqolaal ka mid ah kuwa ay ku magacaabaan Amiiradda, saraakiil iyo askar, waxaa laga qabsaday 9 degmo oo xarumo u ahaa, waxayna dareemeen in dawladdu awood u leedahay in ay dalka ka sifayso, taas ayaana keentay in ay beryahaan soo qaadaan weeraro nafla caari ah iyo in ay habeen iyo maalin warbaahinta ka hanjabaan si ay isugu dayaan in ay joojiyaan burburka, kala cararka iyo mooral jabka ciidamadooda soo food saaray, isla markaana u cabsi geliyaan shacabka Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Hadii aan idiin siiyo hal tusaale oo la xiriira dhinaca amniga, waxaad ogtihiin awoodeena dhaqaale iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamadeenu, waxaad ogtihiin in dalkeena ay saaran tahay cunaqabateyn dhinaca hubka iyo saanadda milateriga ah, waxaad ogtihiin in aduunku ka gaabiyey in uu Soomaaliya ugu hagarbaxo sidii dawladihii inala midka ahaa ee ku burburay dagaalada sokeeye sida Yuguslafaakiya, Liberia, Kongo, Burundi, Ciraaq iwm.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Ciidamadeena oo diyaar u ah in ay ku shaqeeyaan duruufahaas adag iyo in ay dalka ka xoreeyaan kooxaha nabad-diidka ah suuragal uma aha in ay helaan saanadii milateri ee ay u baahnaayeen, mana samayn karaan hawlgaladda loo baahan yahay maalin kasta. Arimahaas oo ay dhici karto in qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo shacabka na dhaliilaa aanay xogogaal u ahayn.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan mar labaad idiin xaqiijinayaa in uu jiro horumar ay dawladdu ka samaynayso dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, daryeelka bulshada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamulada goboladda iyo degmooyinka dalka, xoojinta xiriirada caalamiga ah iyo maalgashida iyo iwm si horumarkaas loo sii xoojiyona waxaa daruuri ah in la helo midnimo iyo deganaan siyaasadeed oo ka bilaabanta Barlamaankan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Inkasta oo dawladdu ka kooban tahay sadex hay’adood oo kala ah Barlamaanka, Xukuumadda iyo Garsoorka, hadana sida uu qorayo qodobka 1-aad faqradiisa 2-aad ee Dastuurku awoodda dalka oo dhan waxaan leh shacabka. Markaas maadaama Xildhibaanadu yihiin wakiiladii shacabka iyo golaha siyaasadeed ee ugu balaaran dawladda iyaga ay gacanta ugu jirtaa awooddii dawladdu, iyaga ayaa sharciyada ay ku shaqaynayaan siiyey Gudoonka Barlamaanka, Madaxweynaha, Xukuumadda iyo garsoorka, iyaga oo keliya ayaa dalka iyo hay’adaha dawladda ku toosin kara dariiq waxqabad, midnimo, wadashaqayn, isla xisaabtan iyo jawi siyaasadeed oo degan ama hadii ay iska horyimaadaan abuuri kara khalkhal iyo burbur ku yimaada dawladnimada.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Markasta oo xiisad siyaasadeed ka jirto Barlamaanka, waxaa hoos u dhaca ama joogsada hawlihii dawladda taas macneheedu ma ahan inaan Xildhibaanadu cabiri karin waxa ay u arkaan in danta waddanku ku jirto laakiin waxaa mudan inaan is xusuusino inaan markasta hiigsano meel ka wanaagsan meesha aan joogno iyo inaan mugdi naga gelin wax aan hiigsanayno. Markii la isku duuban yahay waxaa fududaanaysa in laga guulaysto caqabadaha adag ee ina horyaal.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Soomaaliya oo idil ayaa ina sugaysa, go’aamadeenu waxay saamayn ku leeyihiin Malaayin qof oo Soomaali ah, go’aamadeenu waa inay noqdaan kuwo horumar keeni kara umadana u horseedi kara inay horay u socoto.

Saacaddaan aan idin hortaagnahay waxaa miiskayga saarnaa arrimo aad muhiim ah oo u baahan inaan kuligeen gacan ka gaysano sida abaaraha, cunto iyo caafimaad xumada ka jirta meel badan oo Soomaaliya ah

BAAQ

Anigoo ka faa’iidaysanayaa fursaddan qaaliga ah, dareenka iyo shucuurta wadaniyadeed ee ka dhalatay weerar kooxaha nabad-diidka ah ee Alqaacidda iyo Alshabaab ku qaadeen xarunta Barlamaanka Soomaaliyeed, waxaan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed sida dhalinyaradda, cuqaasha, haween, siyaasiyiin iyo waxgaradka ugu baaqayaa in la bilaabo kacdoon wadani ah oo dalka looga sifaynayo Alqaacidda iyo fikirkeeda xagjirka ah.”