Madaxweynaha Somaliland oo xilka ka qaaday Wasiir uu Xil-gadasho la’aan ku eedeeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aadan Axmed Warsame.

AXMED-SIILAANYO

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed galabta ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, Madaxweynuhu waxa uu xilka ka qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aadan Axmed Warsame oo uu Madaxweynuhu ku eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo hufnaan la’aan dhinaca Shaqada uu u magacaabay ah.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.

Ujeedo:          Xil-ka Qaadis

Ku:      Mudane, Aaden Axmed Warsame, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda. Mudane, Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba-jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.