Maxkamad Waaran qabasho ah u jartay Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab

Ankara(Aftahannews):- Maxkamadda ku taalla magaalada Ankara ee waddanka Turkiga, ayaa soo saartay Waaran qabasho ah oo ay ku baaqday in lagu soo xidho Hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab iyo saddex Sarkaal oo ka tirsan kooxdaas.

Afartan nin ee Madaxda ka ah Kooxda Al-Shabaab ee ay Maxkamaddu u jartay Waaranka qabashadooda waxay ugu horreeya Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo kooxda dhexdeeda looga yaqaanno (Sheekh Abu-Zubayr Cabdiraxmaan), Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur), Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Xasan Cabdillaahi Xirsi (Xasan-Turki).

Xubnahaas ayay Maxkamaddu ku eedeysay inay falal ka baxsan Bina-aadamnimada ka geysteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya iyo badi deegaannada Koonfurta Soomaaliya, sidaa awgeed-na waxay Maxkamaddu ku baaqday in afartaas nin loo gacan-geliyo oo meel ay joogaan-ba laga soo qabto.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilo ka hor qarax ka geystay Safaaradda ay dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen Saraakiil Safaaradda ka hawlgalayey oo Turki ah, kuwo kalena ku dhaawacmeen, waxaanay sidoo kale weerarro la beegsadeen Saraakiil Turki ah oo uu u dambeeyey Sarkaal Turki ah oo ay toddobaadkii hore ku toogteen isla magaalada Muqdisho.

Sidaa daraaddeed, waxa ay codsiga iyo waaranka Maxkamaddu u jartay in nimankaas lagu soo qabto u muuqanayaan tallaabo aar-gudasho ah, inkasta oo ay adag tahay soo qabashada Saraakiishaas Al-Shabaab hoggaamiya marka laga reebo Sheekh Xasan Daahir Aways oo isagu Xabsi-guri Muqdisho ah ku jira, ka dib markii sannadkii hore dawladdu qabatay iyagoo dagaal dhex-maray hoggaanka Sare ee Al-Shabaab iyo Ciidammada ka amar-qaata.

Halka Mukhtaar Roobow-na uu ka fallaagoobay Garabka hoggaamiyaha oo ay is-khilaafeen, isla markaana ay isaga iyo Malleeshiyadiisu ku dhuumaalaystaan deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfur-galbeed Soomaaliya. Sheekh Xasan-Turki, ayaa isaguna ka mid ah xubnaha ay is-khilaafeen Amiirka Al-Shabaab kaasoo isaguna gobollada Soomaaliya markii ugu dambaysay joogay, balse aan hadda si toosa loo ogeyn halka uu joogo. Hase-yeeshee, haddana midkoodna qabashadiisu ma sahlana wakhtigan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.