Qaramada Midoobay oo Soomaalida ugu baaqday inay Midoobaan si ay meel u gaadhaan

Muqdisho(Aftahannews):- Qaramada Midoobay, ayaa ugu baaqday in Madaxda Maamullada ka jira dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ay midoobaan si ay u meel-mariyaan horumar iyo hirgelinta danta guud ee Shacabka iyo dawlad Soomaaliyeed oo Federaal lagu wada yahay.

DSC02568

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Danjire Nicholas Kay, ayaa Soomaalida ugu baaqay inay midoobaan si ay hurumar muuqada u gaadhaan.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Madaxa uga ah Xafiiska Soomaaliya ee UNSOM oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad ay ugu dabbaal-degeen sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii la hawl-geliyey Xafiiskaas oo Muqdisho ka furan, waxa uu sheegay inay Soomaalida midnimadu u leedahay horumar iyo xasillooni.

Nicholas Kay waxa uu sheegay inay Soomaaliya dhinacyo kala duwan sannadkii tegay horumar ka gaadhay, balse ay waxyaabo badani hadhsan yihiin, waxaanu yidhi; “Soomaaliya waxay sannadkii tegay horumar muhim ah ka gaadhay dhanka Siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Laakiin, waxa weli hadhsan wax intaa ka badan oo u baahan in la qabto, waxaana ka mid ah horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegidda Dastuurka ku-meel-gaadhka ah iyo diyaarinta doorashooyinka sannadka 2016-ka.”

“Dadka Soomaaliyeed waxay filanayaan wax badan, waqtiguna wuu yaryahay. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Madaxda Soomaalida iyo Hay’adaha dowladda inay midoobaan si loo gaadho danta guud ee Soomaaliya.”  Sidaas ayuu yidhi Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Danjire Kay.

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxaa jirta shaqo badan oo u baahan in la qabto inta u dhexeysa hadda iyo sannadka 2016. Taageerada caalamiga ee lagu bixiyo nabadda iyo dowlad dhisidda Soomaaliya waxaa hagi doona mabaaddi’da lahaanshaha iyo hoggaanka Soomaaliyeed iyo dhowridda Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.