Madaxda Sare ee dawladda oo ka hadlay Xuska Xafiiska UNSOM oo sannad jirsaday

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey Munaasibad loo sameeyey Xuska sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii la furay Xafiiska arrimaha Soomaaliyia u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Munaasabaddaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa loogu dabbaal-degayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii la howlgaliyey xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa, Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Dajireyaasha wadamada Jabuuti iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, taliye ku-xigeenka ciidamada AMISOM iyo xubno kale oo lagu casuumay munaasibadda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo munaasibadda ku daah-furay khubad kooban ayaa yiri,

“Xafiiska Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM, waxa uu ka soo baxay doorkii loo aas aasay, wada shaqeyn wanaagsanna ayaa kala dhaxeyso hey’adaha kala duwan ee dowladda si la isu kaashado”

Ergeyga gaarka ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya Danjire Nickolas Kay, oo khubad ka jeediyey munaasibadda xuska sannad guurada koowaad ee xafiiska UNSOM, ayaa ugu horrey uga mahadceliyey dowladda Federaalka Soomaaliya sida dhabta ah ee ay ula qaaday mas’uuliyadda shaqo, waxaana uu ka hadlay marxaladda mudada sannadka ah ee uu shaqada xafiiska UNSOM hayo.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, ayaa sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu dowladda kala shaqeeyo middeynta hoggaanka siyaasadda dalka, hirgelinta Destuurka iyo sameynta maamullada gobollada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gabagabeeyey munaasibadda, ayaa hambalyo u diray xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa waayo  badan ay dadaal u soo gashay sidii Soomaaliya looga saari lahaa marxaladda ay ku jirto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tilmaamay in muhiimadda dowladda ay tahay in dalka uu galo deganaansho siyaasadeed, Bulshaduna looga baahan yahay in ay fahmaan ahmiyadda ay leedahay, waxa uu xusay Madaxweynuhu in ay jirto kala aragti duwnaanshaha, dowladduna ay diyaar u tahay in ay ku xaliso sida Destuurka Qaranka uu oggol yahay.

Xafiiska Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM, ayaa waxa uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aas-aasay 2da Bishii May ee sanadkii 2013-ka, iyadoo si rasmi ah loo howl-galiyey 3-dii Bishii June ee sannadkii lasoo dhaafay, waxaana mudada sannadka aheyd ee uu shaqada wadday Nickolas Kay waxa uu guul ka gaaray hanaan ku dhisan wada shaqeyn iyo in Beesha Caalamka si toos ah loo hor dhigo amuuraha Soomaaliya, taas oo keeneysa wax ka qabasho muddo aan foggeyn ah.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.