Soomaaliya Oo Ka Hadashay Gabadh Sheegtay In La Kufsaday Oo La Xidhay Iyada Iyo Wariye Wareystay

 

Muqdisho(Aftahannews):- Ciidammada Booliiska Magaalada Muqdisho, ayaa maanta Xabsiga dhigay Gabadh sheegtay inay Kufsadeen Laba Weriye oo ka tirsan Weriyeyaasha ka shaqeeya Idaacadda Radio Muqdisho ee dawladda Soomaaliya.

Gabadhaas oo 19 sano jir ah sida ay Al-jazeera soo xigatay ayaa waraysi laga qaaday waxaa Youtub-ka ku faafiyay Weriye lagu magacaabo, Maxamed Bashiir Xaashi, taasoo markii dambe keentay in Ciidammo ka tirsan Booliiska ay Xabsiga u taxaabaan labadooda-ba.

Waxa kale oo isagana Xabsiga la dhigay Mulkiilaha Idaacadda Shabeelle ee Muqdisho Cabdimaalik Yuusuf, balse markii dambe Xabsiga laga sii daayay ka dib markii ay soo food-saartay xaalad aad u adag oo la xidhiidha Caafimaadkiisa.

Mas’uul u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in labada ruux ee la xidhay ay su’aalo weydiinayaan Booliska Muqdisho, isla markaana loo haysto inay ka been-buurteen Wariye u shaqeeya Idaacadda dowladda. “Gabadha iyo Weriyaha la xidhay waxay maalmaha soo socda la soo taagayaa Maxkamad.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo la hadlayay Telefishinka Al-jazeera, isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya ay cadaadis kala kulmi karto arrintan.

Dabayaaqadii toddobaadkii hore ayey Gabadhan oo lagu magacaabo Faadumo, waxay waraysi laga qaaday ku sheegtay inay Kufsadeen laba Suxufi oo ka hawlgala Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, gaar ahaan Idaacadda Radio Muqdisho, kuwaasoo ay sheegtay inay qasab ku kaxaysteen, isla markaana la tageen guri ay degganaayeen goor fiid ah, illaa subaxnimadiina haysteen oo sida xun u kufsadeen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.