Millateriga Kenya oo sheegay inay dileen Xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Nairobi(Aftahannews):- Ciidammada Millateriga ah ee dawladda Kenya, ayaa sheegay inay dileen laba ka mid ah dagaal-yahannada Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta inta badan Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo dhawaanahan weerarro ka fuliya gudaha dalka Kenya.

kenya-military

Afhayeen u hadlay Millateriga Kenya oo lagu magacaabo Emanuel Chirchir, ayaa bartiisa Twitter ee uu Internet-ka ku leeyahay ku baahiyey qoraal uu ku sheegayo inay Kooxda Al-Shabaab ka dileen laba ka mid ah dagaal-yahannadeeda oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen Koox weerartay Ciidammo Booliska Kenya ka tirsan.

Emanuel Chirchir Afhayeenka Ciidanka Millateriga Kenya waxa uu qoraalkiisaas ku yidhi; “Kooxaha argaggixisada ah ayaa weerar kusoo qaaday Ciidammo Booliiska Kenya ka tirsan, waxaanay isku dayeen inay baxsadaan, Booliiska ayaa dilay laba ka mid ah kooxdaas mid kalena wuu baxsaday.”

Waxa uu Afhayeenku intaas ku daray in mid ka mid ah dagaalyannada ay dileen la odhan jiray Sheekh Xasan Black, kaasoo uu ku sheegay inuu ka mid ahaa Ragga weerarrada soo qaadi jiray weerarrada ay Malleeshiyada Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka ku nool degmada Mandheera, ayaa  Ciidammada dalka Kenya ku eedeeyey in ay dileen dad aan dembi lahayn, iyagoo xusay in tani ay qayb ka tahay khilaaf inta badan soo dhex-gala Xukuumadda Kenya iyo shacabkeeda.

Kooxda Al-Shabaab, ayaan iyagu weli ka hadal sheegashada Afhayeenka Millateriga Kenya ku sheegay inay Al-Shabaab ka dileen laba dagaal-yahan mid saddexaadna ka dhaawaceen, hase ahaatee, kooxdaas ayaa iyadu marar badan weerarro ismiidaamin ah iyo kuwo kaleba ka geysta gudaha waddanka Kenya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.