Tirada Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo Dooni kula degtay Badda Yemen

Yemen(Aftahannews):- Ugu yaraan 50 qof oo Tahriibayaal ah ayaa geeriyoodey, ka dib markii doon yar oo ay ku safrayeen kula degtey Xeebaha Galbeed ee dalka Yemen. Dadka geeriyoodey ayaa isugu jirey Soomaali iyo Itoobiyaan.

2014310635300432260241317Yamen

Lama oga xilliga ay dadkaas doontii ay la socdeen badda ku degtay, haseyeeshee meydadka ayaa ilaa Jimcihii lasoo dhaafay kasoo caarinayey xeebta, waxaana lagu aasay meel u dhow degmada Zoubab.

Mas’uul aan la magacaabin oo ka tirsan dowladda Yemen, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in isla todobaadkan ay dalka Yemen gaartey doon kale oo ay 45 qof oo tahriibayaal ahi saarnaayeen, dadkaas oo dhammaantood ay ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen.

Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo kasoo cararaya faqriga iyo xasillooni darrada wadammadooda ka jirta, ayaa sannad walba soo gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usoo ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen ay xuduud dheer wadaagaan.

Hay’adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya ay dalka Yemen gaareen 84,000 (siddeetan iyo afar kun) oo tahriibayaal afrikaana ah, dadkaas oo badankoodu nolol dhaanta midda ay dalalkooda ku haystaan ka raadsanayey dalka Sucuudiga iyo wadamamda kale ee Khaliijka.

Xigasho: AP

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.