Ciidanka Soomaaliya oo 3 Al-Shabaab ka tirsan qabtay lix kalena ka dilay

Ceel-buur(Aftahannews):- Ciidammada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya oo kaashanaha kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa maanta howlgallo ay ka sameeyeen deeganno hoostaga degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ku dilay dhagar qabayaal ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay tiro kale oo kooxdaas ka tirsan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceel-Buur Maxamed Kaariye oo u warramay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in howlgalka ay maanta fuliyeen ku dileen lix ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay ka dhaawaceen labo qof, halka uu sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex kale oo kooxdaasi ka tirsan.

Taliye Maxamed Kaariye, ayaa xusay in haatan ay ku dabo-joogaan labada ay dhaawaceen oo uu ku sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanno ay ka midyihiin Ceel-qooxle iyo kuwa kale, isagoo tilmaamay in ay sii wadayaan howlgallada lagu baacsanayo Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa baaq u diray dhalinta ay marin habaabiyeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo uu ka codsaday inay iskaga soo tagaan Malleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana isu soo dhiibaan ciidammada qalabka sida si loo badbaadiyo. Waxaanu intaa ku daray inay wadaan raashiin ay ugu talagaleen inay gaarsiiyaan dadka ku xaniban deegaannada ay Shabaabku ku suganyihiin.

Xigasho Radiomuqdisho.net

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.