Hargeysa(Aftahannews):- Khuburo u kala dhalatay waddamadda Faransiiska Masar iyo Marooko,ayaa ka mid ah Shaqsiyaadka iyo maskaxda ka dambaysa in ay kooxda Al-Shabaab samayso Qaraxyo miinooyin ah oo aad u khatar badan,kuwaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya sida ay shaaciyeen sirdoonka dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Magacyada shaqsiyaadkan oo khatar badan ku ha Dawladda Soomaaliya,ayay sirdoonka dalka Soomaaliya sheegeen ragga ay yihiin kuwa farsameeya miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ee ay kooxda Al-Shabaab kula dagaalanto Soomaaliya iyo dalalka Geeska Afrika
Magacyada oo si hoose looga helay sirdoonka dalalka Kenya Soomaaliya iyo Itoobiya
1. Maxamed C/casiis Xasan wuxuu u dhashay Masar.
2. Maxamed Cali Maxamuud Khalifa wuxuu u dhashay Masar.
3. Salim Si Maxamed Wuxuu u dhashay Morooko.
4. Nadane Si Maxamed Wuxuu u dhashay Moroko, Labada reer marooko waa walaalo..
5. Rachid Benomari wuxuu u dhashay Faransiis, waana Madow
Aftahannews.com
Hargeysa Somaliland